Midship,(SONNA):- Ciidamada amniga gobolka Bari oo howlgalo lagu xaqiijinaayo amniga ka wada Bosaaso ayaa soo bandhigay Qaraxyo Bambooyin iyo agabyo kale oo loo isticmaalo qaraxyada,Kuwaas oo laga helay Gurkha ninkii Ajnabiga ahaa ee xalay ciidanku dileen isagoo Qarax aasaya.
Taliska qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa Bulshada Bosaaso ugu baaqay in ay taxadaraan soona sheegaan qofwalba ay ka shakiyaan si lana shaqeeyaan laamaha amaanka.
Ciidamada ambiga maamulka Pubtland ayaa kordhiyay howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha ee ku dhuumaeysanaya deegaannada maamulkaas.