Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay cutub loo qaadayo tababar aqoon kororsi ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Cali Geeddi “waxay isku qaldayaan Xasan Sh. iyo Qaranka” (WARBXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Cali Geeddi “waxay isku qaldayaan Xasan Sh. iyo Qaranka” (WARBXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Cali Geeddi “waxay isku qaldayaan Xasan Sh. iyo Qaranka” (WARBXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 28, 2023
8 Min Read
Share

Geeddi socodka siyaasadeed ee Soomaaliya waa mid la sii jaangooyay tan iyo 2060-ka, shalay ayaana waxaa magaalada Muqdisho lagu daahfuray Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka oo saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna, waxaana ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qeybgalay Munaasabaddan masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, Wakiillada beesha caalamka iyo Ururrada bulshada Rayidka ah ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddeysan ee horyaalla Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyadoo la xaqiijiyey awoodda aan u leenahay in aan wadajir u gaarno hiigsigaas.

Hiigsiga 2060-ka ayaa ka kooban saddex qeybood oo kala ah;

1.Yoolalka dhow (2023-2025): waxa uuna yoolkan ku saleysan yahay xasilloonida, dabargoynta argagixisada iyo xal u helista arrimaha banu aadannimo.

  1. Yoolalka Muddada Dhexe (2025-2040): Dhismaha awoodaha hay’adaha, dib u habaynta qaab-dhismeedka dowladda iyo xaqiijinta maamul muaamul wanaagga.
  2. Yoolalka Muddada Fog (2035-2060) oo xoogga saaraya horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha iyo isku-duubnida bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu sharraxay caqabadaha soo laalaabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga, waxa uuna sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

“Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna  jiilasha soo socda”.

Iyadoo khudbad ka jeedinaysay furitaanka Hannaanka Horumarineed ee Hiigsiga Qarniga ee Soomaaliya ee 2060-ka oo shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ugu hambalyeysay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, hoggaamintooda dhiirigelinta leh ee mashruucan.  Hadalkeeda, Catriona Laing, waxay ku carrabka ku adkeysay muhiimadda is-dhexgalka gobolka, sinaanta jinsiga, isbeddelka digital-ka ah iyo magaaleynta ee horumarka mustaqbalka fog ee Soomaaliya, waxayna dib u xaqiijisay taageerada Qaramada Midoobay ee muddada dheer.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u dul istaagay fursadaha ugu jira dhallinyarada Soomaaliyeed ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxa uuna ka rajeeyey in ay si mug leh uga dhex muuqan doonaan Dalladan, maadaama dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin hal-abuur, firfircooni iyo adkaysi. Madaxweynaha oo ballaarinaya latashiyada ku aaddan xaqiijinta hiigsiyada dalkeenna ayaa kulamo la qaatay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka uu la kulmay arrimaha uu muudnaanta siinayo, kuwaasi oo ay ugu horreyso xoojinta fursadaha shaqada, kobcinta dakhliga, yareeynta saboolnimada, ciribtirka Khawaaijta, dhammeystirka dastuurka iyo xaqiijinta hiigsiga Soomaali heshiis ah, isagoo ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xoojinta dowladnimada iyadoo dhankooda Haldoorka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay aragtida ay ka qabaan arrimaha qaran ee uu la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay dalkeenna in la dhammeystiro dastuurka, xoreynta deegaannada, qaadista cunaqabateynta hubka, deyn cafinta iyo dib u dhiska ciidamada.

Dhinaca kale Yaa caqabad ku ah dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka? Su’aashaasi waxaa ka jawaabaya Dr. Hussein Sheikh Mohamud oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda “Dawladda maanta jirta waa tii saddexaad ama Baarlamaankii 3aad oo ay tahay inuu ansixiyo Dastuurka KMG ah. Xog-ogaalnimadayda iyo warbixino kala duwan oo hey’ado iyo khubaro kale sameeyeen waxaa ay tilmaamayaan inay jiraan siyaasiin hortaagnaa welina isku dayaya inay hor istaagaan in la dhameystiro Dastuurka KMG”.

Dr: Xuseen waa uu sii waday sababeyntiisa “Xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Baarlamaankii 9aad ayay ahayd in lagu dhameytiro Dastuurka KMG, iyadoo la sameeyay isku dayo iyo juhdi farabadan oo ay ka mid ahaayeen; meelmarinta sharcigii dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka, dhismaha xubnaha Guddiga Madaxabannaan iyo Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka ee Dastuurka. Inkastoo ay warbixin iyo xulashooyin soo saareen guddiyada xilligaas, haddana dhowr sababood dartood ma aaney suuragelin in natiijo wax ku ool ah laga gaaro dhameystirka Dastuurka KMG”.

“Caqabadaha ugu muhiimsanaa ee lagu dhameystiri waayey xilligaas waxaa ka mid ahaa in hay’adihii dawladda ee labada heer (Federaal iyo Dawlad Goboleedba) ee hormuudka u noqon lahaa dhameystirka Dastuurka aaney intooda badan jirin sida Golaha Aqalka Sare iyo dawlad goboleeydada marka laga reebo Puntland. Sidaa darteed, dawladdii Madaxweyne Xasan ee 2012-2016 waxaa ay waqtiga ugu badan ku bixisay dhismaha dawlad goboleedyada, Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo guddiyada Dastuurka oo dhammaantood laf-dhabar u ah dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurka”, ayuu ku sharaxay sababaha lagu dhameystiri waayay Dastuurka. Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (2017-2021) ee Baarlamaankii 10-aad ayaa fursad weyn u heysatay inay dhameystirto Dastuurka. Inkastoo guddiyada dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay juhdina bixiyeen warbixinno ay soo saareen xilligaas, nasiib darro markale ayaa lagu guuleysan waayey oo uu Dastuurka xataa gaari waayey miiska Baarlamaanka”, ayuu Qoralkiisa ku xusay Dr: Xuseen Shiikh Maxmuud

Qoraagu waxa uu caqabadda ugu weyn ku tilmaamay inay aheyd “Caqabadaha ugu badan ee uu Dastuurka u dhameystirmi waayey guddiyada Dastuurkana howshooda u gudan waayeen xilligaas ayaa waxaa ay inta badan ka imaaneyeen hoggaankii Dawladdii hore, isagoo hor istaagey dhammaan howlihii fududeyn lahaa, sida ay guddiyada Dastuurka ku sheegeen warbixintooda”.

Haddaba maxaa laga yiri doodda dhameystirka Dastuurka? “Doodaha taabanaya masiirka dalka iyo dawladnimada waa kuwo u baahan in lagu wajaho daacadnimo siyaasadeed iyo hufnaan indheergaradnimo. Ma aha kuwo qaadi kara qardajeex, barmuudayn iyo jajuub. Ma jirto cid ka soo horjeedda dhammaystirka dastuurka ee waxaa la diidan yahay in dastuurka la jabsado ama laga dukaamaysto”. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidaasi qaba.

“Haddii khudbadihii siyaasiyiinta u tartamayay xilka Madaxweynaha dalka ay ka hor akhriyeen Barlamaanka hortiisa, haddii dib loo dhageysto waxaa laga helayaa iyagoo ballanaqaadaya dhammaystirka dastuurka in ay ugu jirto waxyaalaha hortabinta u lahaan doonta haddii……Marka la yimid in si ficil ah in wax looga qabtana waa kanaa qofka kale!. Abwaan Gaariye AUN ayaa waxaan ka maqlay; Haddaan guga kuu kordhaa, Gabow mooyee ku tarin,  Garaad iyo Waaya arag, Ileen wax ma dhaantid geed”, Sidaasi waxaa ku sifeeyay kooxd beryahaan hadallo laga maqlayay Axmed Macallim fiqi  Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS.

Yaan la isku qaldin Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Qaranka Soomaaliyeed, sidaasi waxaa qaba Dr: Cali Maxmed Geeddi oo ahaa Ra’iisulwasaare hore, “ haddi Xasan Shiikh ku  guuleysto Deyn cafinta, qaadista cuneqabateynta, laguna biray Bulshada Bariga Afrika, Khawaarij laga xoreeyo Dalka, marka Dalka horumarkiisa uma muuqdee waxaa u muuqda Xasan Shiikh, guusha Madaxweynaha waxay la micna tahay Qaranka oo guuleystay, waxaan kaloo maqlaayay kuwa dhahaaya Dastuurka la bedel maa, Dastuurka bedelkiisa  waxa uu la jaan qaadaya Bulshada Dastuurkaas iska leh”.

By C/laahi Ruush  

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay cutub loo qaadayo tababar aqoon kororsi ah

Muqdisho.SONNA...Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo la hadlay cutub kamid ah ciidanka…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa'uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee…

Gudaha
January 23, 2026

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan abaaraha oo ka qayb galay kulan looga hadlayey halista cuno yarida dalalka geeska Afrika

Addis ababa(SONNA):- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb…

GudahaWararka
February 11, 2023

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo faah faahin ka bixiyay xiriirka diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kuuba

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane  Abshir Cumar Haruuse oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta qaranka ayaa ka…

GudahaWararka
April 8, 2023

Khawaarijta oo khasaaro xooggan kala kulmay dagaalkii saakay ee deegaanka Hilowle-gaab

Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka  Sh/dhexe ayaa saaka kooxaha Khawaarijta ee Al-shabaab gaarsiiyay jab iyo khasaaro xooggan ,kadib markii…

Gudaha
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023