Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Mas’uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
    Ciidanka Gorgor oo gacanta ku dhigay daawooyin iyo agab kale oo ku socday khawaarijta
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Cali Geeddi “waxay isku qaldayaan Xasan Sh. iyo Qaranka” (WARBXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Cali Geeddi “waxay isku qaldayaan Xasan Sh. iyo Qaranka” (WARBXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Cali Geeddi “waxay isku qaldayaan Xasan Sh. iyo Qaranka” (WARBXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 28, 2023
8 Min Read
Share

Geeddi socodka siyaasadeed ee Soomaaliya waa mid la sii jaangooyay tan iyo 2060-ka, shalay ayaana waxaa magaalada Muqdisho lagu daahfuray Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka oo saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna, waxaana ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qeybgalay Munaasabaddan masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, Wakiillada beesha caalamka iyo Ururrada bulshada Rayidka ah ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddeysan ee horyaalla Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyadoo la xaqiijiyey awoodda aan u leenahay in aan wadajir u gaarno hiigsigaas.

Hiigsiga 2060-ka ayaa ka kooban saddex qeybood oo kala ah;

1.Yoolalka dhow (2023-2025): waxa uuna yoolkan ku saleysan yahay xasilloonida, dabargoynta argagixisada iyo xal u helista arrimaha banu aadannimo.

  1. Yoolalka Muddada Dhexe (2025-2040): Dhismaha awoodaha hay’adaha, dib u habaynta qaab-dhismeedka dowladda iyo xaqiijinta maamul muaamul wanaagga.
  2. Yoolalka Muddada Fog (2035-2060) oo xoogga saaraya horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha iyo isku-duubnida bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu sharraxay caqabadaha soo laalaabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga, waxa uuna sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

“Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna  jiilasha soo socda”.

Iyadoo khudbad ka jeedinaysay furitaanka Hannaanka Horumarineed ee Hiigsiga Qarniga ee Soomaaliya ee 2060-ka oo shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ugu hambalyeysay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, hoggaamintooda dhiirigelinta leh ee mashruucan.  Hadalkeeda, Catriona Laing, waxay ku carrabka ku adkeysay muhiimadda is-dhexgalka gobolka, sinaanta jinsiga, isbeddelka digital-ka ah iyo magaaleynta ee horumarka mustaqbalka fog ee Soomaaliya, waxayna dib u xaqiijisay taageerada Qaramada Midoobay ee muddada dheer.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u dul istaagay fursadaha ugu jira dhallinyarada Soomaaliyeed ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxa uuna ka rajeeyey in ay si mug leh uga dhex muuqan doonaan Dalladan, maadaama dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin hal-abuur, firfircooni iyo adkaysi. Madaxweynaha oo ballaarinaya latashiyada ku aaddan xaqiijinta hiigsiyada dalkeenna ayaa kulamo la qaatay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka uu la kulmay arrimaha uu muudnaanta siinayo, kuwaasi oo ay ugu horreyso xoojinta fursadaha shaqada, kobcinta dakhliga, yareeynta saboolnimada, ciribtirka Khawaaijta, dhammeystirka dastuurka iyo xaqiijinta hiigsiga Soomaali heshiis ah, isagoo ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xoojinta dowladnimada iyadoo dhankooda Haldoorka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay aragtida ay ka qabaan arrimaha qaran ee uu la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay dalkeenna in la dhammeystiro dastuurka, xoreynta deegaannada, qaadista cunaqabateynta hubka, deyn cafinta iyo dib u dhiska ciidamada.

Dhinaca kale Yaa caqabad ku ah dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka? Su’aashaasi waxaa ka jawaabaya Dr. Hussein Sheikh Mohamud oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda “Dawladda maanta jirta waa tii saddexaad ama Baarlamaankii 3aad oo ay tahay inuu ansixiyo Dastuurka KMG ah. Xog-ogaalnimadayda iyo warbixino kala duwan oo hey’ado iyo khubaro kale sameeyeen waxaa ay tilmaamayaan inay jiraan siyaasiin hortaagnaa welina isku dayaya inay hor istaagaan in la dhameystiro Dastuurka KMG”.

Dr: Xuseen waa uu sii waday sababeyntiisa “Xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Baarlamaankii 9aad ayay ahayd in lagu dhameytiro Dastuurka KMG, iyadoo la sameeyay isku dayo iyo juhdi farabadan oo ay ka mid ahaayeen; meelmarinta sharcigii dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka, dhismaha xubnaha Guddiga Madaxabannaan iyo Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka ee Dastuurka. Inkastoo ay warbixin iyo xulashooyin soo saareen guddiyada xilligaas, haddana dhowr sababood dartood ma aaney suuragelin in natiijo wax ku ool ah laga gaaro dhameystirka Dastuurka KMG”.

“Caqabadaha ugu muhiimsanaa ee lagu dhameystiri waayey xilligaas waxaa ka mid ahaa in hay’adihii dawladda ee labada heer (Federaal iyo Dawlad Goboleedba) ee hormuudka u noqon lahaa dhameystirka Dastuurka aaney intooda badan jirin sida Golaha Aqalka Sare iyo dawlad goboleeydada marka laga reebo Puntland. Sidaa darteed, dawladdii Madaxweyne Xasan ee 2012-2016 waxaa ay waqtiga ugu badan ku bixisay dhismaha dawlad goboleedyada, Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo guddiyada Dastuurka oo dhammaantood laf-dhabar u ah dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurka”, ayuu ku sharaxay sababaha lagu dhameystiri waayay Dastuurka. Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (2017-2021) ee Baarlamaankii 10-aad ayaa fursad weyn u heysatay inay dhameystirto Dastuurka. Inkastoo guddiyada dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay juhdina bixiyeen warbixinno ay soo saareen xilligaas, nasiib darro markale ayaa lagu guuleysan waayey oo uu Dastuurka xataa gaari waayey miiska Baarlamaanka”, ayuu Qoralkiisa ku xusay Dr: Xuseen Shiikh Maxmuud

Qoraagu waxa uu caqabadda ugu weyn ku tilmaamay inay aheyd “Caqabadaha ugu badan ee uu Dastuurka u dhameystirmi waayey guddiyada Dastuurkana howshooda u gudan waayeen xilligaas ayaa waxaa ay inta badan ka imaaneyeen hoggaankii Dawladdii hore, isagoo hor istaagey dhammaan howlihii fududeyn lahaa, sida ay guddiyada Dastuurka ku sheegeen warbixintooda”.

Haddaba maxaa laga yiri doodda dhameystirka Dastuurka? “Doodaha taabanaya masiirka dalka iyo dawladnimada waa kuwo u baahan in lagu wajaho daacadnimo siyaasadeed iyo hufnaan indheergaradnimo. Ma aha kuwo qaadi kara qardajeex, barmuudayn iyo jajuub. Ma jirto cid ka soo horjeedda dhammaystirka dastuurka ee waxaa la diidan yahay in dastuurka la jabsado ama laga dukaamaysto”. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidaasi qaba.

“Haddii khudbadihii siyaasiyiinta u tartamayay xilka Madaxweynaha dalka ay ka hor akhriyeen Barlamaanka hortiisa, haddii dib loo dhageysto waxaa laga helayaa iyagoo ballanaqaadaya dhammaystirka dastuurka in ay ugu jirto waxyaalaha hortabinta u lahaan doonta haddii……Marka la yimid in si ficil ah in wax looga qabtana waa kanaa qofka kale!. Abwaan Gaariye AUN ayaa waxaan ka maqlay; Haddaan guga kuu kordhaa, Gabow mooyee ku tarin,  Garaad iyo Waaya arag, Ileen wax ma dhaantid geed”, Sidaasi waxaa ku sifeeyay kooxd beryahaan hadallo laga maqlayay Axmed Macallim fiqi  Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS.

Yaan la isku qaldin Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Qaranka Soomaaliyeed, sidaasi waxaa qaba Dr: Cali Maxmed Geeddi oo ahaa Ra’iisulwasaare hore, “ haddi Xasan Shiikh ku  guuleysto Deyn cafinta, qaadista cuneqabateynta, laguna biray Bulshada Bariga Afrika, Khawaarij laga xoreeyo Dalka, marka Dalka horumarkiisa uma muuqdee waxaa u muuqda Xasan Shiikh, guusha Madaxweynaha waxay la micna tahay Qaranka oo guuleystay, waxaan kaloo maqlaayay kuwa dhahaaya Dastuurka la bedel maa, Dastuurka bedelkiisa  waxa uu la jaan qaadaya Bulshada Dastuurkaas iska leh”.

By C/laahi Ruush  

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika

Cairo(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝗪𝗔𝗦𝗜𝗜𝗥𝗞𝗔 𝗜𝗦𝗚𝗔𝗔𝗥𝗦𝗜𝗜𝗡𝗧𝗔 XFS 𝗢𝗢 𝗦𝗛𝗜𝗥 𝗟𝗔 𝗤𝗔𝗔𝗧𝗔𝗬 𝗠𝗔𝗗𝗔𝗫𝗗𝗔 𝗦𝗛𝗜𝗥𝗞𝗔𝗗𝗔𝗛𝗔 𝗜𝗦𝗚𝗔𝗔𝗥𝗦𝗜𝗜𝗡𝗧𝗔

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼-(SONNA)-Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Maxamed Aadan Macallin (Maxamed Soomaali) ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, waxaana looga…

GudahaWararka
April 23, 2024

Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Mobile World Congress oo ka furmay dalka Spain

Muqdisho:-SONNA-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha wasaaradda isgaarsiinta & teknolojiyada,Axmed Cismaan Diiriye,kuwaas oo ka qeyb galaya shirweynaha caalamiga ah ee Isgaarsiinta Mobile-ka…

GudahaWararka
March 2, 2023

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo war muhiim ah soo saaray

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha(GMDQS) isaga oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, fulinayana awoodihiisa uu sharcigu tilmaamayo si…

GudahaWararka
November 16, 2025

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Muqdisho.(SONNA):- Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo Madaxa Isku-xirka Yurub ee arrimaha dadka soo laabanaya (EURLO), Marwo…

GudahaWararka
August 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023