Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Booliska saldhigga Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa soo qabtay labo burcad ah oo dhac ka geysanayey waaxda Maajo ee degmadaas.
Burcadaan ayaa dadka ku dhacayey Bistoolado caag ah, iyaga oo ka uruursaday taleefannadii ay wateen.
Raggan lasoo qabtay ayaa la hor geyn doonaa caddaladda, sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.