Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Miisaaniyadda Labada Aqal ee BJF oo su’aalo weydiiyay Wasiiro ka tirsan XFS
    December 14, 2025
    Tababarkii ugu horeeyay ee Maaliyadda Cimilada oo lagu qabtay Muqdisho
    December 14, 2025
    Shir Dib-u-Eegis loogu sameynayo xaaladda amni ee gobolka oo ka socda Muqdisho
    December 14, 2025
    Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group
    December 14, 2025
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta qaatay Kaarka Codbixinta Doorashada
    December 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ” Bayaankii ugu adkaa” (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ” Bayaankii ugu adkaa” (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

” Bayaankii ugu adkaa” (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 23, 2024
9 Min Read
Share

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa taageerada dalalka caalamka ay ku taageereen qadiyadda Soomaaliya ee dhowrista madaxbanaanideeda, qaranimada iyo midnimada dhuleed, waxayna si gar ah u xuseysaa dadaaladii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadeed ee uu horkacayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka mid ahaayeen Shir Madaxeedkii aan caadiga aheyn ee Urur Goboleedka IGAD, Shir Madaxeedka Waddamada Dhexdhexaadka ah (NAM), kulankii Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika iyo socdaalkii miradhalka ahaa ee Madaxweynaha uu ku tegay Qaahira, kulanna kula yeeshay Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadley kulanka uu la yeeshay Madaxweyne El Sisi ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar ay yihiinย  xulufo iyo wallaalo soo jireen ah oo mar kasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifaya iyo horumar waara , si gaar ahna diiradda loo saarayo xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed ee labada dal.

Madaxweynaha Masar oo Isna ka hadlayay kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadley saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xadgudubkaasi, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin labo dal oo wallaalo ah, kana wada tirsan Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika .

Tallaabada gurracan ee ay qaaddey Ethiopia ee ay ku faragelinayso qaranimada Soomaaliya ayaa loo arkaa mid si ula kac ah lagu wiiqayo guulaha iyo horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, dhanka kalena ay Ethiopia khatar ku gelinayso amniga gobolka iyo kan caalamka intaba.

Haddaba Warbaahinta caalamka ayaa maalmahaan aad wax uga qorayay kulanka ku dhexmaray magaqalada Qaahira labada Madaxweyne ee Masar iyo Soomaaliya, iyagoo qoloba meel u jiidatay, waxayna qabteen shir-jaraaid oo ay kaga wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo xaaladaha gobolka. Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay rabitaanka xooggan ee Soomaaliya ee ku aaddan inay Masar kala shaqeyso sidii ammaanka loo xoojin lahaa, gaar ahaan xilligan oo ay jirto damac gurracan oo Soomaaliya kaga imaanaya Itoobiya, isagoo intaasi ku daray in Iskaashiga Masar iyo Soomaaliya ee dhinac kasta uusanย  aheyn mid khatar ku ah waddan kale. Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud isagoo ka hadlaya heshiiska Itoobiya iyo Maamulka gobolada Waqooyi Somaliland ayaa yiri, โ€œMa ogolaanayno in dhulalkeenna uu qabsado dal kale oo ay ku jirto Itoobiya.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi waxa uu sheegay in Masar aysan ogolaan doonin wax dhibaato ah oo soo wajaha Soomaaliya iyo amnigeeda, isagoo intaa raaciyay in dalkiisa uu diidan yahay in la faragaliyo arrimaha Soomaaliya, โ€œ ma ogolaan doono in loo hanjabo walaalaheen Soomaaliya, markastana waxaan diyaar u nahay in aan garab istaagno walaalaheenโ€™ayuu si kulul u yiri Madaxweynaha Masar, โ€œ Soomaaliya oo lagu soo xadgudbaa waxay la micno tahay Masar oo la soo weeraray, gacmahana ka laaban meynoโ€, ayuu sii raaciyay Al-siisi.

Warbaahinta Carabta iyo Caalamka ayaa iftiimiyay kulankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud iyo kan Masar Abdilfitah Al-Sisi ee ku saabsanaa diidmada faragelinta arrimaha Soomaaliya, iyadoo wargeyska Akhbar Al-Youm eek a soo baxa Masar ayaa waxa uu boggeeda ku daabacday shirkii miro dhalka ahaa ee dhex maray Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Masar, iyadoo ciwaan uga dhigtay: โ€œMadaxweyne Sisi: Soomaaliya waa waddan Carbeedโ€ฆ Ma yeeli doono. cid kasta in ay khatar geliso ama ay amnigeeda wax u dhintoโ€, Halka Russia Today ay ciwaan uga dhigay โ€œAl-Sisi: Masar ma ogolaan doonto wax kasta oo khatar ku ah Soomaaliya iyo amnigeedaโ€, Russia Today-na, oo soo xiganaysa hadalka Madaxweyne Sisi, ayaa yiri: โ€œMasar way diiday in la farageliyo arrimaha Soomaaliya.

Channel-ka Al-Hurra ayaa boggiisa Internet-ka ku daabacay kulanka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifataax El-Sisi oo isna ciwaankiisu ahaa: โ€œBayaankii Masar ugu adkaaโ€โ€ฆFariinta Al-Sisi ee Itoobiya ka dib heshiiskii โ€œSomalilandโ€, Madaxweynaha Masar ayaa intaa ku daray: โ€œFariinta aan u dirayo Itoobiya waa in ay isku deydo in ay ku boodo dhul ay maamusho, ma jirto cid ku heshiin doonta arrintaasโ€, isaga oo intaa ku daray in iskaashiga dhinaca horumarka uu yahay istaraatiijiyad wanaagsan, halka Telefishanka France 24ย  cinwaankiisa ahaa: โ€œSisi waxa uu ku nuuxnuuxsaday diidmada Masar ee ku xadgudubka madax-bannaanida Soomaaliya, iyada oo uu jiro muran dhuleed oo u dhexeeya Muqdisho iyo Addis ababaโ€.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh ayaa sheegay in Itoobiya aysan doonayn oo keliya badda balse ay doonayso in ay ku darsato dhulka Soomaaliyeed, taasina aysan dhici doonin., wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin Taariikh ku suntan colaad iyo dagaallo, balse ay Soomaaliya boggaasi iska laabtay, iyadoo goโ€™aansatay in ay waddamada gobolka kula noolaato nabad., isagoo waraeysi siinayay Teledishinka Al-carabiya ayaa intaasi ku daray in haddii ay Itoobiya joojin waydo tallaabooyinka waallida ah ee ay qaadayso ay iyaguna cid walba weydiisan doonaan taageero gaar ahaan dowladda Masar.

Dhinaca kale inuusan dagaal Ooge Abiy dhanna u rooneyn waxaad ka garan kartaa sida uu ula dhaqmo Shucuubta Itoobiyaanka ah, mar uu gumaado Qowmiyadda uu ka dhashay ee Oromada, mar uu gumaado tan Tigreega, haddana waxa uu sifeyn ku hayaan midda Amxaarada, marka Shacabka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa ka hor yimid damaca qalafsan ee Abiya Axmed ee ku wajahan dhulka Soomaaliyeed, iyadoo qaar ka mid ah shacabka Amxaarada dalka Itoobiya oo ka hadlay heshiis beenaadkii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Buxi ayay ku tilmaameen inuu ahaa mid qar iska tuurka ah, islamarkaana aan laga fiirsan, waxayna sheegeen Shacabka Amxaarada in shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin in ay ilaashadaan midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hadda ogoow Qomiyadda Amxaarada waa middii Melis Sanawi ku heysatay maxaad Eretareeya Badda nooga siisay ayaa hada leh Soomaaliya Baddeeda ha loo daayo, marka waxayย  soo saareen Bayaan kooban oo ay Dowladooda ugu baaqayaan inay lama taabtaan tahay Ixtiraamka darisnimo oo saldhig u ah nabadgalyada iyo horumarka labada dal, ugu dembayntiina Qowmiyadda Amxaarada ayaa Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya iyo madxda dowladiisa u soo jeediyey in ay ka fogaandaan wax waliba oo dhawaaci kara, darisnimada sida faragalinta dal madaxbanaan.

Hadalkaan ka soo yeeray Qomiyadda Amxaarada ayaa ku soo aadaya xilli Raโ€™iisul Wasaaraha dalka Itoobiya uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeenin, iyada oo 70% maamulka Amxaarada uu gacanta ugu jira Qomiyadda, kuwaasi oo iska diiday hoggaamin xumadiisa ee uu ku hayo dadkiisa.

“Dhiiggii iyo dhecaankii Wiilasheenna & gabdheheenna ayaan u hurnay amniga Soomaaliya, keliya ma nihin deris ee waxaa nahay walaalo wadaaga af, dhaqan iyo dad, mana kala maarmi karno, ย Heshiiskii Somaliland aan la galnay waa iskaashi ganacsi oo noo sahlaya irid bad, maaha qaadasho madaxbanaani dalโ€, sidaa waxaa yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya, Ridwaan Xuseen oo shir jaraaid ka hadlaayay. โ€œXaqiiqadu waxa ay tahay in kuwo aan Soomaali wax tarin ay isu muujinayaan saaxiib dhab ah – waxa aan jeclaan lahayn in wadahadal aan la yeelano dhammaan deriskeenna, si aan u noqonno shuraako is-dhexgal iyo horumar wada gaara”, ayuu sii raaciyay.

Marka hadaladaasi maxaa lagu fasiri karaa?. Bal adba.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddiga Miisaaniyadda Labada Aqal ee BJF oo su’aalo weydiiyay Wasiiro ka tirsan XFS

Muqdisho,(SONNA):- Guddiyada Miisaaniyadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jira diyaarinta…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulanka golaha wasiirrada Puntland oo maanta looga hadlay amniga iyo imtixaanka fasallada 8-aadka+Sawirro

Garoowe-(SONNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland…

GudahaWararkaWargayska
August 26, 2021

Madax ka tirsan maxkamadda ciidamada oo la kulmay saraakiisha ciidamada eeย  ka howlgala Gaalkacyo

Gaalkacyo.(SONNA)...maxkamada ciidamada qalabka sida g/lle Muumin Xuseen Cabdulaahi oo maalmahaanba howlo shaqo ku joogay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug…

Gudaha
June 17, 2021

Wasiirka Gaashaanshigga XFS oo ka qeyb galay Qado sharaf loo sameeyay Madaxda iyo Shaqaalaha Markabka โ€œOruc Reisโ€

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay qado sharaf uu Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga, Danjire Alper Aktas,…

GudahaWararka
June 15, 2025

Raโ€™iisal wasaare Rooble oo maanta kusii jeeda dalka Masar

Muqdisho (SONNA)- Raโ€™iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar ugu baxaya Dalka Masar. Ra'iisal Wasaare…

Gudaha
August 16, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023