Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ATMIS oo soo Gabagabeysay Wejigii 2-aad ee dhimista Ciidankooda (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ATMIS oo soo Gabagabeysay Wejigii 2-aad ee dhimista Ciidankooda (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

ATMIS oo soo Gabagabeysay Wejigii 2-aad ee dhimista Ciidankooda (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 2, 2024
5 Min Read
Share

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya  ATMIS ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo soo gebagabeeyey Wejigii labaad ee dhimista ciidankooda, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku wareejiyeen sagaal saldhig oo ciidan. Xilwareejinta ayaa ku soo beegantay iyadoo 3,000 oo askari laga saaray Soomaaliya. Labadii Weji ee hore ee dhimista, 5,000 oo Askari ayaa ka baxay Soomaaliya, 13 saldhig oo ciidan ayaa lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya. Howlgalka oo loo yaqaano ATMIS ayaa waxaa ku jira ciidamo ka kala socda Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Alhaji Sarjoh Bah, oo ah Agaasimaha maareynta khilaafaadka ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amniga ee guddiga Midowga Afrika, ayaa sheegay in soo-saarkii labaad uu muujinayo in Soomaaliya laga yaabo in ay isu diyaariso in ay xakameyso dhammaan mas’uuliyadda amniga ee dalka dhammaadka 2024-ka, markaasoo howlgalka uu ku eg yahay, lana filayo in gabi ahaanba laga baxay. “Dhammaystirka marxaladan dhimista, iyadoo ay jiraan caqabado waaweyn, oo ay ku jiraan El Niño [qaabka cimiladu], waxay marag madoon u tahay rabitaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan kala-guurka habeysan,” Bah ayaa yiri intii ay socotay xafladdii xil-wareejinta oo ka dhacday Muqdisho.

Saraakiisha ayaa markii hore filayey inay dhameeyaan wejiga labaad ee ka bixitaanka ATMIS dhamaadka bisha Sebtembar. Si kastaba ha ahaatee, weerarrada Al-shabaab ee weli socda oo ay weheliyaan dib-u-soo-noqoshada ciidamadii horay looga qabsaday, ayaa dowladda Soomaaliya ku qanciyay inay codsato in dib loo dhigo xilliga la dhimi doono.

Qorshaha Wejiga 3-aad

Qorsheynta Wejiga 3-aad ee dhimista ayaa bilaabatay bishii Febraayo intii lagu jiray shir afar maalmood socday oo ay ka soo qayb galeen taliyeyaasha howlgalka. Wejigan ayaa la filayaa in ay ku jiraan bixitaanka 4,000 oo askari oo dheeraad ah bisha June. Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in ciidamada ammaanku ay galayaan “marxaladda ugu xasaasisan ee howlgalka.”

“Ma fududa, laakiin waa inaan ka gudubnaa caqabadaha anagoo ku sii jirna feejignaanta ugu badan inta lagu jiro xilliga kala guurka,” Souef ayaa ku yiri sii deynta wararka ATMIS. Taliyaha ciidamada ATMIS ee dalka Uganda Lt. Gen. Sam Okiding ayaa sheegay in taliyeyaasha ay ka wada hadleen arrimo badan. “Waxaan baarnay xaaladda amniga Soomaaliya, waxaana tixgelinnay halka ay hadda taagan tahay al-Shabaab, iyo sidoo kale waajibaadkeenna iyo xaaladda amni ee ATMIS-ka kaddib,” ayuu yiri.

Maraykanka oo Dhisaya Saldhigyo Ciidan

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo waxa ay ku dileen saddex dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen meel u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya. Weerar kan la mid ah oo Mareykanka uu fuliyay ayaa bartamihii bishii hore ee Feberaayo waxaa uu ka dhacay deegaan ka fog fog ee Maamulka Jubbaland ee Koonfurta Soomaaliya.

Maalmo kadib howlgalkii Jubaland, ayaa dowladda Mareykanka waxa ay ku dhawaaqday in ay qorsheyneyso in ugu yaraan afar saldhig oo ciidan ay ka dhisto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay; Dhuusamareeb, oo ah degmo ka tirsan Galgaduud; Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe; iyo Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu tayeynayo ciidamada Soomaaliya iyo ciribtirka Al-Shabaab. “Heshiiskani waxa uu caawinayaa qorshayaashayada aan dalka kaga xoraynayno Al-shabaab iyo sugidda amniga,” Maxamuud ayaa sidaas ku yiri xafladdii saxiixa.

Guutada Danab ee Milatariga Soomaaliya ayaa lagu xirayaa saldhigyada cusub. Milatarigu waxa ay aasaaseen guutada 2017 kii dib markii ay Soomaaliya iyo Maraykanku heshiis ku gaareen in ay qortaan, tababaraan, qalabeeyaan, iyo la taliyaan 3,000 oo rag iyo dumar ah oo ka kala socda gobolada dalka si loo dhiso awood ciidan oo xoog leh oo ka dhex jirta ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Guutada ayaa markii hore ka koobnaa dad gaar ah oo ka yimid gobollada ugu saboolsan dalka. Laakiin aragtideeda dadwaynaha ayaa kor u kacday wakhti ka dib, oo hadda waxay shaqaaleysiinaysaa musharaxiin aqoon sare leh, oo uu ku jiro ugu yaraan hal dhakhtar.

Ciidanka Danab waxaa loogu talagalaa in 72 saacadood gudahoodoo weerar deg deg ah, waxayna si joogto ah u raadsadaan ilaa 350 Askar cusub ah markiiba, si ay u tababaraan, islamarkaana ay la wareegaan goobta dagaalka.

Waxaa qortay Madashada Difaaca Afrika ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka (ADF)

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo war ka soo saartay Arday lagu la’ yahay dhul gariirkii dhacay dalka Turkiye

Muqdisho (SONNA) Safaaradda Soomaaliya ee ku taalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in nolol iyo geeri lagu la’…

GudahaWararka
February 12, 2023

Xukunno kala duwan oo lagu riday qoys ku eedeysanaa maalgelinta khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa xukuno kala duwan ku riday qoys ku eedeysanaa in ay maalgalinayeen kooxaha Khawaarijta islamarkaana ay dhaqaalo…

GudahaWararka
September 23, 2024

Madaxwayne Axmed Madoobe oo kulan la qaatay xildhibaannada Federaalka ee laga soo doorto J/land+(Sawirro)

MUQDISHU-(SONNA)- Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa baaq u jeediyay Xildhibaanada laga soo doorto degaanada Jubba-land.…

GudahaWararka
September 21, 2020

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in ay dhowaan soo af-jarayaan Khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen.Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in dalku uu galay dagaalkii ugu dambeeyay ee khawaarijta looga…

GudahaWararka
August 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023