Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Argagixisada oo meelo kala duwan laga Ugaarsanayo (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Argagixisada oo meelo kala duwan laga Ugaarsanayo (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Argagixisada oo meelo kala duwan laga Ugaarsanayo (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 4, 2024
8 Min Read
Share

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa magalaada Muqdisho ku qabtay horjooge Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare) oo ka tirsanaa Khawaarijta, haddana ka mid ahaa Gacanyarayaasha Horjooge Axmed Diiriye. Horjoogahaan oo si wayn loogu raadjoogay ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho xili uu si dhuumaalaysi ah ku soo galay, iyada oo markii dambe ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA.

Qoraal ay Barteeda X ku leedahay ayay Hey’adda Sirdoonka Soomaaliya ku shaacisay inay howlgal ay ka fuliyeen magaalada Mogadishu ku soo qabteen Horjooge Muxyadiin Daqare, isagoo ka mid ahaa Horjoogayaasha Kooxda kuwaada ugu firfircoona. Horjogahaan ayaa laga qabtay magaalada Mogadishu oo muddo ku dhuumaaleysanaayay, wuxuuna ka qeyb qaatay Shirqiiladii lagu dilay Taliyihii Qeybta 21-aad ee Xooga Dalka Soomaaliya sida ay qabaan ‘Saraakiisha qaar ka mid ah’, wuxuuna ka soo howlgalay Gobolada Mudug, Galguduud, Bay iyo Gobolka Shabeelada hoose, wuxuuna ka mid ahaa Kaaliyayaasha Horjoogaha guud ee Kooxda Argagixisada Shababka Axmed Diiriye, iyadoo Horjooge Muxidiin Dhangad (Daqare) oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, Deegaan ahaana kasoo jeeda Koonfurta Gobolka Mudug, kaasi oo muddooyinkii dambe ku Dhumalesanayay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka.

Sida warar hor dhac ah ee ay heshay Wakaaladda SONNA ayaa sheegaya in Horjooge Daqare laga qabtay Guriga Aabihiis oo degan Xamar, Xilli uu Booqasho Dhuumaleysi ah halkaasi ugu tegay, waxana la tilmaamayaa in Horjooge Daqare uu kooxda Al-Sabaabka uga biiray Degmada Xarardhere ee Gobolka Mudug, wuxuuna sanadihii dambe u wareegey Gobolada Jubboyinka ee Argagixisadu ku dhumalesanayaan.

Wararka naga soo garaya Degmada Ceeldheer ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay  howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay deegaano dhaca bariga gobolka Galgaduud., kaasi oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamadu ka sameyeen deegaanada kala ah Bacadka Digireed, Joqofoow, Dahar Faqay, Cali Yabaal, Isgooska Xeydoow, Galka Dhaaleey, Xaaji dhagax, iyo Maraayga Sodonka oo dhammaantood ka tirsan Degmada Ceeldheer, halkaasi oo khasaaro lagu gaarsiiyay khawaarijta.

Sarreeye Gaas Cali Caraaye Cosoble Gacma Dulle oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, islamarakaana ka mid ahaa Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in sidii loogu talagalay uu u dhacay howlgalka, jab xoogganna lagu gaarsiiyay khawaarijta, iyadoo la soo warinayo in Howlgalada intii ay socdeen lagu burburiyay fariisimo Khawaarijta ay ku lahaayen deegaanadaasi, sidoo kalena Ciidamada ayaa soo furtay Agabyo Milatari oo ay Khawaarijta isaga carareen.

Wararka laga helayo NISA ayaa waxaa kaloo tibaaxayaa in howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomkaaliyeed, Hey’ada Nabad Sugida iyo Saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay deegaannada kala ah Jacar iyo Garab la’ oo ka tirsan gobalka Galgaduud, iyadoo Howlgalka koowaad lagu burburiyey Xarun keyd hub u aheyd Khawaarijta, halka midka labaadna lagu beegsaday Garaash cadowga ay u yaaleen Gaadiid tiro badan.

Dhinaca kale Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay inay 20-Website oo Kooxda Argagixisada leedahay ay xireen, iyadoo Mareegtooyinkaan ay ahaayeen kuwa ay kooxdu ku faafin jirtay Afkaartooda iyo Howlgaladooda, waxaana shaki ku jirin in ay fududayay in Accountiyada Baraha bulshada (Facebook, Tweeter, Tiktok iyo kuwa kale) la xiro, iyadoo toos loo la xiriiraayo Shirkadaha iska leh lana sababeynaayo dhibaatada ay Bulshada ku hayaan, isla markaana waafaqa xeerarka caalamiga ah iyo kuwa dalalka laga leeyahay.

“Si la mid ah, shirkadaha keydiya xogta Mareegaha internet-ka ayaa iyaguna leh sharciyo ay kaga hor tagaan Akoonada ay ku qancaan inay yihiin kuwa Argagixiso ama cid kale oo mudan in laga xiro, sidaasi darteed Dowladdu shirkadahaasi ayay soo ogaataa kadibna xiriir la samaysaa, Balse waxaas oo dhan waxaa ka muhiimsan in lacagaha khidmada ee mareegaha loo adeegsado kaarar Bangi, taasoo la sheegay inay noqon karto si dhib oo looga hortago mareegyadaasi”, ayuu yiri Ciise Xasan oo ah Falanqeeye arrimaha Amniga, kaasi oo degan Magaalada Helsinki ee Dalka Finland .

“Dawladaha Horumaray waxay leeyihiin hal meel oo laga xakameeyo guud ahaan Internet-ka taasoo u fududeynaysa in laga war hayo tilaabana laga qaado Bogagga iyo Mareegaha noocaas oo kale ah, hase yeeshee waxaasi shaki laga muujiyay in Dowladda Federaalka ay haysato nidaamka noocaas ah ee horumarsan”, ayuu sii raaciyay Falanqeeye Ciise Xasan.

Wararka naga soo gaaraya Dalka Kenya ayaa sheegaya in 3-Eedeysane lagu eedeeyay inay Dalka Konfur Afrika ka keeneen Diyaarad aan duuliye laheyn, si ay uga iibiyaan ama u adeegsato Kooxda Argagixisada ah ee  Shabaabka, iyadoo Maxkamada Kahawa amartay in la horkeeno 6-da bisha March, iyadoo Eedeysanayaasha oo magac-yadoodu lagu kala sheegay Shuceyb Rashiid Xaaji, Deeqow Sheekh C/raxmaan iyo John Kibe Kahiga ayaa Xoogaga Amaanka ee la dagaalanka Argagaxisada (ATPU) ay fashiliyeen 27-kii bishii October ee sanadkii hore, markaasoo laga soo qabtay meel aan la shaacin oo gudaha Dalka ah, waxaana la horkeenay Maxkamada la dagaalanka Argagixisada oo ay dambi-baarayaal ka doonayeen Muddo ku heyn Xabsi oo dhan 3-Maalmood ah, si kiiska loo baaro Kiiskooda.

Eedeesanayaasha Shuceyb iyo Deeqow ayaa midkiiba loo haystaa 3-Dembi oo kala ah inay maleegayeen weerar Argagixisanimo, bixinta hantida, Adeegyada fulinta fal Argagixisanimo iyo inay taageero u raadiyaan fulinta fal Argagixiso oo lidi ku ah sharciga ka hortagga Argagixisada halka Kibe uu yahay oo wajahaya laba Eedeymo oo ah inay ku shirqooleen dad kale oo ka baxsan Jamhuuriyadda Kenya, si ay u helaan badeecooyin xaddidan oo kala ah diyaarad aan duuliye laheyn oo laga leeyahay Jamhuuriyadda Koonfur Afrika ujeeddooyin ay ka mid yihiin fal Argagixiso iyo dejinta badeecado aan xaddidnayn ka dib marka la keeno.

Sida xogta lagu helay Eedeysan Deeqow, oo ka tirsan Shaqaalaha ASCC Logistics ee Nairobi iyo Kibe, oo ah Wakiilka soo gudbinta iyo soo gudbinta ee fadhigiisu yahay Lungalunga ayaa la sheegay inay ka caawiyeen Shuceyb, oo deggan xerada qaxootiga ee Hargadera si uu u nadiifiyo shixnadda la gudbiyo kooxda Shabaabka marka ay dalka soo galaan.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa  Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Saudi Carabiya kaga qeybgaley Meertada labaad ee Wasiirdda Difaaca Wadamada  ku bahoobey Isbaheysiga Militeriga La-dagaalanka Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC), isagoo kaga warbixiyey guulaha Shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay ka gaareen la dagaalanka iyo Ciribtirka kooxda Khawaarijta Argagixisida ah, wuxuuna islamarkaana shirka kula wadaagey khatarta ay u leedahay geeska Afrika iyo Badda-cas xad gudubka Dowlada Itoobiya ay ku baal martay dhammaan Shuruucda Caalamiga iyo kan Gobolka, islamarkaana ugu xadgudubtay Madaxbanaanida iyo bed-qabka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Galgaduud(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Tamarta Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa maanta xarunta safaaradda kula kulmay…

GudahaWararka
April 8, 2021

Soomaaliya oo gudbisay heshiisyo taariikhi ah oo ku aaddan dhowrista xaquuqda Shaqaalaha “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Dawladda Soomaaliya ayaa markii u horreysay gudbisay toddobo heshiis oo caalami ah, kuwaasi oo ku aaddan xaquuqda Shaqaalaha. Munaasabad…

GudahaWararka
April 6, 2021

Wafdi uu hogaaminayo Ray’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Soomaaliya oo shir uga qeyb-galaya Jabuuti.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa waxaa ay gaareen dalka jabuuti,halkaas oo la…

Wararka
January 27, 2020

Ciidanka taliska Abiye oo laga saaray magaalada Bahir-dar

Muqdisho(SONNA):-Xaalad kacsan ayaa laga soo warineyaa, magaalada Bahir Dar ee xarunta is maamulka Amxaaradda ee Itoobiya, ka dib dagaalo qaraar…

GudahaWararka
March 2, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023