Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
GudahaMaqaalladaWararka

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 29, 2025
6 Min Read
Share

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer Caalami iyo mid Goboleed isugu jira ayaa diidmo adag kala hor yimid damaca Yuhuuddu ku aqoonsaneyso qeyb ka mid gobolada Dalka Soomaaliya, waxayna dhammaantood hoosta ka xariiqay qodobadan soo socda:-

  1. Diidmo cad oo aan mugdi ku jirin oo ay u diidan yihiin aqoonsiga ay Israa’iil 26-kii Disembar 2025-ka u sameysay gobolka ka mid ah Soomaaliya oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama tallaabadan aan hore loo arag ay leedahay cawaaqib halis ah oo saameynaya nabadda iyo amniga Geeska Afrika, Badda Cas, isla markaana ay si guud u saameyneyso nabadda iyo amniga caalamka, kana tarjumeysa iska indha-tirid buuxda oo cad oo Israa’iil ay ku sameyneyso sharciga caalamiga ah.

2. Cambaareyn adag oo ay u cambaareynayaan aqoonsigaas, kaas oo ah ku xadgudub weyn oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kuwaas oo si cad u faraya ilaalinta madaxbannaanida dowladaha iyo dhul-wadaaggooda, islamarkaana ka tarjumaya siyaasado fidin (ballaarin) ah oo Yuhuuddu damacsan tahay.

3. Taageero buuxda oo ay siinayaan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo diidmo aan leex leexad laheyn oo ay u diidan yihiin tallaabo kasta oo wiiqeysa midnimada Soomaaliya, dhul-wadaaggeeda ama madaxbannaanideeda ku aaddan dhammaan dhulkeeda.

4. Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu abuurayaa tusaale halis ah, wuxuuna khatar gelinayaa nabadda iyo amniga caalamka, isla markaana ku xadgudbaya mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

5. Diidmo buuxda oo ay u diidan yihiin xiriir kasta oo suurtagal ah oo u dhaxeeya tallaabadan iyo isku day kasta oo lagu doonayo in si qasab ah dadka Falastiin looga raro dhulkooda, taas oo si mabda’ ahaan ah gebi ahaanba loo diidan yahay nooc kasta ha ahaatee.

Haddaba Dadka aadka wax u taxliiliya ayaa in Seddexdaan talaabo haddi Somaliland aysan ku guuleysan ictiraaf majiro!

Maamulka Somaliland waxa loogu sheekeyay in ictirafki 35 sanno ay sugaayen Israel laga helay, balse xaqiiqda waa in seddex talaabo idin dhiman tahay oo Israel hal dal ay tahay waxna ka badali karin qariirada iyo shuruucda Qaramada Midoobay (UN-ka).

  1. Dowladda Soomaliya iyo Baarlamankeeda waa inay aqbalaan dalabka Somaliland ee ah dal madax-banaan inay noqoto.

2. Markay Soomaliya aqbasho, ayaa haddana cod la galinaya. Wadamada codka leh ee Golaha Qaramada Midoobay, kuwaasi oo ka kooban 193 dal, si aad dal madax banaan oo UN ka tirsan u noqotid waa inaad hesha 129 cod.

3. Marki aad ka soo gudubtid buundadaas, waxa ku sugayan 15-ka xubin ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana inaad hesha 9 cod. Mid ku darso Soomaaliya waxay bisha January la wareegeysaa Shir Guddonka Golaha Ammaanka, halkaasina shaqo ayaa laga qaban doona.

Sidoo kale dhammaan 5-ta Xubin ee joogtada ah, islamarkaana leh Codka Diidmada Qayaxan (5Veto Power) waa inay haa u codeeyaan. Tusaale haddi China ama Russia midkood MAYA u codeeyo, barnaamijka oo idil halkaas ayuu ku dhammaanayaa.

Tusaale , Kosovo waa dal aqoonsi ka heysto in ka badan 100 Wadan, sidaasi oo ay tahay UN-ka waxay u aqoonsan tahay Serbia inay ka mid tahay, sababtuna waa in markii UN la keenay qadiyadoda inay diideen Shiinaha iyo Ruushka.

Maamulka gobolada Waqooyi ee uu damacu wado xaqiiqda waxay tahay in wadda dheer oo qodxo badan idin sugeeyso , Dowladda Soomaliya iyo inta la mowqifka ahna awoodooda diblomaasiyadeed ayay istacmali doonan.

“Aqoonsiga ay bixisay Israa’iil oo ah “dowlad go’doon ah” waxba uma kordhin doono Somaliland, marka laga reebo magac-xumo iyo go’doon hor leh,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Dhinaca kale dowladda Eritarea ayaa ku biirtey dalalka qaadacay aqoonsiga ay Yuhuuddu siisey Somaliland, waxayna Asmara sheegtay in qorshahani yahay mid lagu doonayo in gobolka qalalaase looga abuuro, waxayna xustay in loo baahan yahay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qaado talaabo, waxayna dowladda Shiinaha ugu baaqday inay waajib tahay inuu qaato masuuliyad anshaxeed, maadama ay Beijing diidan tahay inay Taiwan ka go’do, si la mid ah inuu arritaan uga hor yimaado.

Waxaa kaloo in la xusid mudan in Yuhuudu ay saldhig ku leedahay Xeebta magaalada Casmara ee dalka Eretareeya, balse wax dhaqdhaqaaq ah kama sameyn karto, waayo Eretareya ayaan ogoleyn sababo jira awgood ama wax ay horey ugu heshiiyeen, sidaasi awgeed ayay doonayaan inay saldhig Militari ka sameystaan qeyb ka mid dhulka Soomaaliyeed, waase haddii ay u suurtogasho.

dhinaca kale Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay Qaranimada Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan, Gobolka Banaadir, iyadoo Boqolaal ka tirsan shacabka caasimadda oo ka careysan tallaabada Israa’iil ayaa muujiyay taageeradooda ku aaddan difaaca madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Qaar ka mid ah dadkii dibadbaxa ka qayb-galay oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin difaaca Qaranimada Soomaaliya.

“Caawa, annaga oo ah shacabka Soomaaliyeed, waxaan muujineynaa dareenkeenna iyo xadgudubka loo geystay qarankeena,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada ka hadlay dibad baxa.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva - Switzerland,…

GudahaWararka
June 7, 2025

Mareykanka“Weli waxaan la murugooneynaa dhibaatadii uu geystay qaraxii Soobe”

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay la murugooneyso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta u baroordiiqaya xuska 14-kii…

Wararka
October 14, 2020

Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo loo aqoonsaday shaqsiga sanadka 2022 iyo madax-sharafeedka naadiga safiirada ee dalka Shiinaha

Muqdisho (SONNA)-Danjire Cawaale Cali Kullane safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa saxaafadda dalka shiinaha (the Home and Abroad News Press…

GudahaWararka
December 29, 2022

Guddiga arrimaha gudaha & amniga ee Golaha shacbka oo booqasho ku tagay xarunta SODMA

Muqdosho (SONNA):- Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA…

GudahaWararka
January 25, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023