Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Aqoon-isweydaarsiga isbeddelka Cimilada iyo Xaalka Teknolojiyadda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Aqoon-isweydaarsiga isbeddelka Cimilada iyo Xaalka Teknolojiyadda
GudahaWararka

Aqoon-isweydaarsiga isbeddelka Cimilada iyo Xaalka Teknolojiyadda

By Dahir Aadan Cali
Last updated: November 2, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Diiriye, ayaa si rasmi ah u furay aqoon-isweydaarsi ku saabsan isbedelka cimilada iyo xalalka teknoolojiyadda, kaas oo lagu talagalay in lagu xoojiyo awoodda hayโ€™adaha dowladda ee ka jawaabista caqabadaha cimilada iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyad casri ah.

Kulankan waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyadda iyo Wasaaradda Isbedelka Cimilada, waxaana goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, agaasima waaxeedyo, lataliyayaal, iyo howl-wadeeno ka socda labada wasaaradood.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa si qoto dheer diiradda u saaray xeeladaha casriga ah ee teknoolojiyadda loo adeegsan karo si wax looga qabto saameynta isbedelka cimilada, gaar ahaan dhinacyada saadaalinta cimilada, maaraynta khayraadka dabiiciga ah, iyo dhisidda nidaamyo waara oo ka hortaga fatahaadaha, abaaraha, iyo khataraha kale ee cimilada.

Ka qaybgalayaasha ayaa sameeyey dood cilmiyeed iyo falanqeyn qoto dheer, iyaga oo soo bandhigay fursadaha iyo caqabadaha hortaagan hayโ€™adaha dowladda, iyo sidoo kale talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarin karo adeegyada teknoolojiyadda ee la xiriira maaraynta isbedelka cimilada.

Mudane Axmed Diiriye wasiiru-dowlaha wasaaradda ayaa khudbad ka jeediyey kulanka, isagoo muujiyey muhiimadda ay leedahay in la horumariyo xeeladaha isbedelka cimilada iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda casriga ah, si loo yareeyo saameynta dhibaatooyinka cimilada, loona gaaro horumar waara oo dalka ka dhaca. Wasiirku wuxuu xusay in wadashaqaynta hayโ€™adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ay muhiim u tahay guulaha laga gaari karo la dagaalanka isbedelka cimilada.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dadaallada lagu dhisayo awooda aqooneed ee shaqaalaha labada wasaaradood, kobcinta xirfadaha maamulka cimilada, iyo dhiirrigelinta hal-abuurka iyo teknoolojiyadda deegaanka ku habboon. Waxaa la filayaa in talooyinka iyo qorshayaasha laga soo saaray aqoon-isweydaarsigan ay qeyb ka noqdaan siyaasadaha qaranka ee mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa adkaysay in hormarinta teknoolojiyadda iyo adeegyada casriga ah ee la xiriira isbedelka cimilada ay qayb muhiim ah ka yihiin himilooyinka horumar waara ee dalka, iyadoo xooga la saarayo in hayโ€™adaha qaranku ay yeeshaan awood buuxda oo ay ku maareeyaan caqabadaha cimilada si hufan, isla markaana bulshada Soomaaliyeed ay ka faaโ€™iidaysato adeegyada iyo barnaamijyada cusub ee farsamada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Waa maxay doorka xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ?

Faallo: Markii Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC) dhammaadkii sanadkii 2023-kii, waxay heshay xuquuq ay…

GudahaWararka
October 16, 2025

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed iyoย mashaariic kale

Warsheekh, Juun 29, 2025 โ€“ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah…

GudahaWararka
June 29, 2025

War-saxaafadeed: In ka badan 80 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay Galmudug

Muqdisho (SONNA) In ka badan 80 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug,…

GudahaWararka
February 21, 2023

Baarlamanka Carabta oo ka soo horjeestay damaca Ethiopia ee Badda Soomaaliyeed

Qaahira (SONNA): Baarlamaanka Carabta ayaa si buuxda u diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada, Madaxbanaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda…

GudahaWararka
January 3, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023