Jowhar-(SONNA)-Brig Gen; Telesphore Barandereka oo ah taliyaha uu waqtiga ka dhammaaday ee madaxa ka ahaa Ciidanka Burundi ee AMISOM ayaa sheegay in guulaha ay ka gaareen Al-shabaab ay sabab u ahaayeen xiriirka wanaagsan ee ay la lahaayeen ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo shacabka ku nool dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Sarreeye Guuto Barandheere oo soo gebagebeeyey howlihii amni ee uu muddada sanadka ah ka waday Shabeellada dhexe lana hadlayay ciidamadii ay soo wada shaqeeyeen ayaa yiri “Waxay ahayd fursad wanaagsan ka sarkaal Afrikaan ah ahaan inaan gacan ka geysto xasilloonida Soomaaliya, gobolka, Afrika iyo xasilloonida caalamiga ah, sababtoo ah argagixisadu waxay dhibaato ku haysaa Adduunka oo dhan.
Wuxuu xusay in ciidanka Burundi ee ka tirsan AMISOM ay door muhiim ah ka ciyaareen gudashada waajibaadka howlgalka Xilli ay jiraan caqabado ka dhashay cudurka COVID-19 iyagoo gacan buuxda oo wax ool ah ka helaya Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacabka Hirshabeelle.
Ciidamada Burundi ee AMISOM ayaa ka howlgala 18 saldhig iyo magaalooyinka Jowhar, Balcad, Mahaddaay iyo Cadale ee ku teedsan xeebta badweynta Hindiya ee waqooyiga Muqdisho.