Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Al-Siisi “Waxaan isku raacnay inaan siinno dhammaan noocyada teegeerada Walaalaheen Soomaaliyeed” (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Al-Siisi “Waxaan isku raacnay inaan siinno dhammaan noocyada teegeerada Walaalaheen Soomaaliyeed” (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Al-Siisi “Waxaan isku raacnay inaan siinno dhammaan noocyada teegeerada Walaalaheen Soomaaliyeed” (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 12, 2024
7 Min Read
Share

Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, Eritrea Isaias Afwerki iyo Masar Cabdifitaax Alsisi, ayaa dhawaan kulan ay ku yeesheen magaalada Asmara waxay ku gaareen heshiis iskaashi oo seddex geesood ah, iyadoo intii uu shirkooda socday, dalka Masar ayaa u yaboohday Soomaaliya inay ka mid noqoto ciidamada howlgalka cusub ee AUSSOM ee bedelaya ATMIS marka uu waqtiga ka dhamaado bisha December ee sanadkan.

Madaxweynayaasha Masar iyo Soomaaliya ayaa ku kulmay Asmara kadib casuumaad uu u fidiyay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyada oo sidoo kale lagu bogaadiyay go’aanka Golaha Ammaanka ee cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya, taasi oo sare u qaadday awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Labada dal waxay isla garteen in ay xoojiyaan iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya, si loo dhiso hey’adaha dowliga ah iyo ciidamada qaranka, si ay awood ugu yeeshaan la dagaalanka Argagixisada iyo xasilinta dalka, waxaana si gaar ah loo bogaadiyay howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kaalinta Masar ee taageerada xasilloonida Soomaaliya, iyadoo ugu danbeyn, Masar iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen in ay si dhow u wada shaqeeyaan inta Soomaaliya ay ka tirsan tahay Golaha Ammaanka (2025-2026), si ay u matasho danaha Afrika, iyadoo la xoojinayo wada-tashiga labada dhinac ee arrimaha gobolka iyo caalamka.

Kadib kulanka ayaa waxay la soo saareen War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Shir Madaxeedka Seddex-geesoodka ahaa,  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeybgalay shir madaxeed seddex geesood ah oo ka dhacay magaalada Asmara, caasimadda dalka Ereteriya, 10-ka Oktoobar 2024. Shirkan waxaa martigaliyey Madaxweynaha Ereteriya Mudane Isaias Afwerki, waxaana sidoo kale ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi. Madaxda seddexda dal ayaa ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka iyo caalamka, iyagoo si qoto dheer u falanqeeyey xaaladaha jira.

Madaxweynayaasha seddexda dal ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee waddamada gobolka, iyagoo isla qaatay in la isku xiro dadaallada wadajirka ah si loo gaaro xasilloonida gobolka iyo horumar waara oo loo dhan yahay. Waxa kale oo lagu heshiiyey in la xoojiyo hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, lana taageero ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan argagixisada.

Shirka waxa lagu lafa-guray arrimaha amniga, gaar ahaan kuwa ku saabsan Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab-al-Mandab, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay xaaladda Suudaan iyo sida ay u saamayn karto gobolka. Madaxdu waxay isla garteen in la dhiso guddi seddex geesood ah oo ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee seddexda dal, si loo dardargeliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan.

Seddexda Madaxweyne waxay hoosta ka xariiqeen inay lama huraan tahay ku dhaqanka mabaadi’da aasaasiga ah iyo tiirarka sharciga caalamiga ah; gaar ahaan ixtiraamka aan mugdi ku jirin ee madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka. Waxaa kaloo lagu heshiiyey in la horumariyo, lana sii qoto-dheereeyo iskaashiga iyo isku-xirnaanta seddexda waddan, si kor loogu qaado hey’adaha Dowladda Soomaaliya, si ay uga hortagaan caqabadaha kala duwan ee gudaha iyo dibadda iyo in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed loo suurtageliyo in ay ka hortagaan argagixisada nooc kasta oo ay tahay. Arrimaha amniga iyo iskaashiga u dhexeeya Waddamada dhaca Badda Cas iyo Gacan-biyoodka Bab-al Mandab, iyada oo la eegayo muhiimadda ugu weyn ee marin badeed oo muhiim ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ah ee Masar mudane Abdifitaax Alsiisi oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulankooda maanta uusan aheyn mid muujinaayo oo kaliya sugnaanta iyo sarreynta xiriirka ka dhaxeeya seddexda dowladood ee walaalaha ah, balse uu yahay ama uu mujinayaa koboca muhiimadda iyo xoojinta xiriirkaasi soo jireenka ah, “ haddii sidii uu yahay loo wajihi lahaa caqabadaha aan wadaagno ee Geeska Afrika iyo Badda Casa ama ka sidii aan uga faaideysan laheyn awoodaheenna ka dowlado ahaan oo aan u ballaarin laheyn furasadaha xaqiijinaaya koboca iyo barwaaqeynta Bulshooyinkeenna”.

“ Maanta waxaan ku kulanay martigalin Walaalkeen Madaxweynaha Eretareeya mudane Asiyaas Agawerge si aan uga tashanno uguna faaideysanno aragti isdhaafsi siyaabihii aan uga hortagi laheyn qorshayaasha looga gol leeyahay khal-khalgalinta degenaanta iyo burburnta dowladaha gobolka iyo isku dubbaridda dadaallada wax ku oolka ah ee dowladaheenna iyo Shucuubteenna ee nabadda, deggenaanta iyo barwaaqeynta dowladheenna seddexda ah, gobolkeenna iyo Xeebaheenna ku teedsan Illinka waqooyi iyo kan koonfureed ee Badda Cas”, ayuu yiri Madaxweyne Alsissi.

Madaxweynaha Masar oo hadalladaasi ka jeediyay kulanka seddex geesoodka ahaa ayaa waxa uu sii raaciyay “ waxaa ku keydsan kheyraad iyo fursado suurtogalinaaya horumar iyo barwaaqo, sidoo kale waxaan leenahay doonisteenna iyo awoodda ka faaideysiga fursadahaasi annagoo u mareyna iskaashi, isku dheellitir iyo isku dubaridid sugan ee dhexdeenna ah, wadahadalkeennii maanta waxaan isku raacnay inaan siinno dhammaan noocyada teegeerada walaalaheen Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo himilooyinka walaalkeenna Madaxweyne Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, si Soomaaliya dib loogu soo celiyo amniga iyo nabadda, iyadoo loo maraayo ciidankooda qaran”.

“ waxaan isla soo qaadnay soo jeedinno dhaxalgal ah, si loo qiimeeyo taageeradaaslaba geesoodka ah iyo hab wadaag ah, taasi oo ay dheer tahay taageerada dalladaha gobolka iyo midka caalamiga ah ee amniga Soomaaliya lagu sugayo, nabadna lagu dhalinayo. Sidoo kale waxaan u daadagnay intii aan wadahadallada ku jirnay dhowr arrin oo muhiim u ah gobolka, waana ka mid ah arrinta Suudaan o aan isku raacnay muhiimadda gaarista xabad joojin oo ka hirgasha dhammaan waqtiga ugu soo horreya oo suurtogal ah”, ayuu yiri Madaxweynaha Masar.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda gaashaandhigga oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayey Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha 

Muqdisho(SONNA):-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka sadex biloodlaha ah ee Guddiga Isku-dhafka…

GudahaWararka
February 12, 2026

Maamulka Gobolka Banaadir oo qori-tuur u sameeyay tartanka Cayaaraha Degmooyinka+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa qabtay Munaasabada Qori-tuurka Tartanka Cayaaraha Kubadda Gacanta iyo Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir 2021.…

GudahaWararka
September 29, 2021

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Aadan yabaal

Aadan-yabaal-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada shacabka ee…

GudahaWararka
September 6, 2023

Madaxweynaha Jubaland oo ka hadlay Xaaladda Gobolka Gedo

Kismaayo-(SONNA)-Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in gobolka Gedo ay ka jirto xaalad siyaasadeed oo…

GudahaWararka
June 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023