Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Al-shabaab oo ay uga dhammaatay Galmudug (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Al-shabaab oo ay uga dhammaatay Galmudug (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Al-shabaab oo ay uga dhammaatay Galmudug (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 12, 2023
7 Min Read
Share

Deegaannada hoos yimaada Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa todobaadkaan waxaa ka socday abaabul, kaasi oo la doonayo in dib loogu xoreeyo Magaalooyin ka tirsan Gobolka Galgudud oo wali ku harsanaa gacanta Kooxda Khawaarijta ah, sidaasi awgeed ayay Ciidamo is-abaabulay oo dadka deegaanka ah, una diyaarsan ka qeyb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa  lagu soo bandhigay deegaanka Mareergur oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb, waxaana Ciidamada loo yaqaan Macaawisleeyda hore loogu soo bandhigay Deedaannada Guri-ceel, Dhabbad, iyo duleedka Dhuusamareeb, kuwaasi oo dhammaantood ujeedkoodu yahay inay diyaar u yihiin dib xoreynta Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Waxaa kaloo jira in Ciidan la isaga kala keenay deegaannada dhaca inta u dhaxeysa Dhuusamareeb ilaa Xarardheere ayaa waxaa dhiirigelin ugu tegay masuuliyiin ka kala tirsan Goleyaasha dowladda federaalka, dowlad goboleedka Galmudug iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo Masuuliyiinta iyo saraakiisha ay ciidanka kula dardaarmay inay ka qeyb qaataan dagaalka xaqa ah ee cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo dhulka Soomaaliya, dhankooda hoggaamiyeyaasha ciidanka is abaabulay ayaa balan-qaaday inay doorkooda ka qaada doonaan ciribtirka Khawaarijta Deegaannada Galmudug.

Wararka naga soo gaaraya degaanno hoos taga Degmada Ceel buur ayaa la sheegay in Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ku dhex maraayo Maleeshiyaad daacad u ah 2-Horjooge oo ka tirsan Kooxda Argagixisada Shababka, dagaalkaan ayaa dhaliyay khasaare, iyadoo Wararka ay sheegayaan in Dagaalkaan uu u dhaxeeyo Maleeshiyaad kooxda Argagixisada ka wada tirsan oo Daacad u kala ah Mid Magacaciisa lagu sheegay Horjooge Xasan Cabdullaahi Cabdulle oo ka soo jeeda Ceel-garas halka kan kale la sheegay inuu ka soo jeedo Ceelbuur, dagaalkaan ayaa ka dhacaaya Tuulada lagu magacaabo Ceel meegag, wuxuuna dhaliyay Khasaare dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray labada dhinac,  inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Waa maxay sababta ay labadaasi khawaarij hubka isugu qaateen ayaan weydiinay falanqeeye arrimaha Kooxda Khawaarijta ah u dhuun-daloola “ sida la sheegay waxa uu dagaalkoodu salka ka hayaa in kuwa ka soo jeeda Deegaanka Ceel-garas ay doonayeen inay ka soo goostaan khawaarijta, iskuna soo dhiibaan Ciidamada Dowladda ee ku sugan Deegaanka Baxdo, halka midka kalena uu diidanaa in laga baxo, marka taasi ayaa sabab u ah dagaalkooda”, ayuu yiri.

Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa  hoyga uu ka degan yahay magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhegey) iyo Xildhibaan Cumar Cabdi iyo Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda Gal-mudug, iyadoo  Kulanka looga hadlay dardar gelinta dadaallada dib u xoreynta deegaannada Gal-mudug ee Khawaarijtu wali ku dhuumaaleysaneyso, waxaana la isku raacay in wadajir loola dagaalo cadawga ummadda Soomaaliyeed, waxaana la wada og yahay in Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud, uu maalmahaan magaalada Dhuusamareeb ka waday abaabulka duullaanka dowladdu ay horumuudka ka tahay ee lagu xoreynayo deegaannada wali ku jirta gacanta cadawga.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa fasaxay kulamadii Golaha Wasiirrada Galmudug, isagoona faray in ay furimaha tagaan, kana qeybqaataan xoreynta Galmudug, waxaana kulankii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud, kaais oo ka soo faaruqay kulamadii odayaasha dhaqanka, Culimaa’udiinka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug uu baryahaan la lahaa, isagoo Madaxweyne Xasan uu saacadaha nagu soo aaddan ku dhawaaqi doono amar culus, kaasi oo ay ku dhaqaaqayaan ciidamada qalabka sida, maadama uu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shirkan ayaa looga hadlay xaaladda amni, qorshaha waqtiga dhow ee xoreeynta deegaannada ku jira gacanta Khawaarijta iyo dardar galinta abaabulka xooggan ee ka socda Galmudug, kaas oo ay dadka deegaanku kaga qeyb qaadanayaan halganka dib u xoreynta dalka, wuxuuna Madaxweynaha oo dul istaagay marxaladihii uu soo maray dagaalka ka dhan ah khawaarijta ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada, taas oo leh seddex Weji oo ku wajahan in kooxda lagala diriro dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo in lagu furo furimaha dagaalka ah mid Militari, waxa uuna xusay in sida ugu dhaqsaha badan ay u bilaaban doonaan dhammeystirka wejiga koowaad ee la dagaallanka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya iyo la wareegidda ciidamada Qaranka ee mas’uuliyadda amniga dalka ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka shaqeyneyso tayeynta iyo tababarka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sida muuqata guulo waaweyn laga soo hooyay dagaaladdii lala galay Kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab, taasoo lagu jabiyay dhammaan goobihii la isku fara saaray.

Goor dhow ayay aheyd markii Ciidamada Qaranka oo hawlgal guulaystay ka fuliyay gudaha degmada Galhareeri ee gobalka Galguduud, taasi oo lagu beegsaday seddex xarumood oo Khawaarijtu ay ku sugnaayeen, iyadoo Howlgalka koowaad ayuu ka dhacay Garaash ay Khawaarijtu ku diyaarinaysay waxyaabaha qarxa, waxaana halkaas lagu burburiyay todobo gaari oo yaalay Goobtaasi, iyadoo goobta labaadna lagu beegsaday meel ay u aheyd Bakhaarka hubka oo ay Khawaarijtu laheyd, kaasi oo isna la gubay, halka kan seddexaad u ahaa goob uu u yaalay qalabka caaafimaadka oo ay Khawaarijtu si gaar ah u isticmaalaysay.

Degmada Galhareeri ayaa Khawaarijta u ah xarun weyn oo ay u arkayeen in ay ku amaan galayaan, balse Ciidamada Xoogga dalka Soomaalieed ayaa cagta mariyay goobahaasi muhiimka u ahaa khawaarijta, waxaana uu howlgalkaan uu qeyb ka ahaa hawlgallo is daba joog ah oo ciidamada Qaranku ku burburinayaan xarumaha Khawaarijta, kuna beegsanayaan saadkooda iyo isku socodka Khawaarijta.

Haddaba waxaa dhowaan la filayaa inuu dhaco guluf dhinacyo badan ah ee ka dhan ah Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab oo ay si wadajir ah uga wada qeybqaadanayaan ama iska wada kaashanayaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwa Deegaannada (Macaawisleey), Wadamada Deriska ama (safka hore) iyo Saaxiibada Caalamka , kaasi oo ujeedku yahay soo afjaridda dagaalka Wejigiisa 1-aad ee Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo la soo gaaray xilligii Khawaarijta Al-shabaab uga dhammaan laheyd deegaannada Maamul-goboleedyda Galmudug iyo Hirshabeelle.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliye Biixi oo kormeeray tuulooyin ka tirsan Gobolka Mudug+Sawirro

Gaalkacyo-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Saraakiil uu hoggaaminayay ayaa kormeeray tuulada Dheghaye oo u dhaxeysa…

GudahaWararkaWargayska
July 14, 2021

Wasaaradda Waxbarashada oo soo gabo-gabaysay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xasan ayaa maanta soo…

GudahaWararka
June 2, 2021

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo magaalada Ankara kaga qeyb galay munaasabad qado sharaf ah

Ankara, (SONNA): Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Fatxudiin Cali Maxamed ayaa shalay ka qeyb galay munaasabad…

GudahaWararka
August 8, 2024

Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa booqday haweeney isbitaalka Banaadir ku dhashay Afar Carruur ah oo mataana ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa booqday Hooyo Soomaaliyeed oo Afar Gabdhood…

GudahaWararka
March 31, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023