Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay gobolka Baay
    July 9, 2025
    Duqa muqdisho oo dhagax-dhigay waddada 26-ka June
    July 9, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda
    July 9, 2025
    Wasiirka isgaarsiinta oo shir ku saabsan Teknolojiyadda uga qaybgalaya Switzerland
    July 8, 2025
    Wafdi ka socda guddiga doorashooyinka oo Jowhar gaaray
    July 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Kulan wada tashi ah ee dib-u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Baydhabo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Kulan wada tashi ah ee dib-u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Baydhabo
GudahaWararkaWargayska

Kulan wada tashi ah ee dib-u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Baydhabo

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 8, 2020
4 Min Read
Share

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la-socodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayaa  kulan wada tashi ah la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen), Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo Dhallinyarada Koonfur Galbeed.

Ujeedda kulanka wadatashiga ayaa ahaa ka talogelinta madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo in loo soo bandhigo howlaha warbixino ku saabsan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay.

Ugu horeyn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa soo bandhigtay warbixinta arrimaha u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed kuwaasoo ah arrimaha ugu muhiimsan guud ahaan dib-u-eegista Dastuurka, waxayna si qoto dheer usoo bandhigtay hababka kala duwan ee aduunyadu u dhigto arrimaha laga galayo wada-xaajoodka siyaasadeed.

Sidoo kale Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudiga La-socodka Baarlamaanka ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa u gudbiyay Gollaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka iyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen) warbixinta wax-ka-bedelka Dastuurka ee heer farsamo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftigareen ayaa soo dhaweeyey howlaha qaran ee ay wadaan saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka wuxuuna ku booriyey aqoonyahanka iyo shacab weeynaha Koonfur Galbeed in ay ka qaybqaataan dhamaystirka dastuurka ayna noqdaan dowllad Goboleedka ugu horeeya ee ka shaqeeya soona gudbiya talooyinkooda ku aadan warbixinta Dib-u-eegista Dastuurka, wuxuuna sidoo kale faray dhamaan hay’adaha iyo wasaaraddaha kala duwan ee Koonfur galbeed inay kala shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaah Dastuurka ee Koonfur galbeed soo aruurinta aragtiyaha kala duwan ee dowlad goboleedka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arimaha dastuurka Mudane Dr. Hussien Cabdi Cilmi ayaa si waafi ah uga warxibiyey halka ay marayso guud ahaan dib-u-eegista dastuurka iyo arrimaha u baahan in wada-xaajoodka siyaasadeed laga galo.

“ bishii lasoo dhaafay wassaaraddu waxa ay qabatay kulama hawleedyo shaqo oo balaaran kuwaas oo aan la yeelanay guud ahaan hey’adaha kala duwan ee dowllada si loo soo aruuriyo arrimaha u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed si loo mideeyo aragtida dowlada heer Federaal ahaan loona diyaariyo hal dukuminti oo mid ah kaasoo lagala xaajoon doono dowladaha xubinta ka ah dowlada federaalka ah hadii alle idmo, waxaana sidoo kale idinkana idinka rajeeynaynaa inaad sameeysaan taas mid la mid ah, waana hubaa inaad sameeyn doontaan” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka.

Dhanka kale, Hay’adaha u xilsaaran dib-u-Eegista Dastuurka ayaa kulan latashi ah oo ku saabsan dib-u -eegista dastuurka la yeeshay haweenka, dhalinyarada iyo ururada bulshada rayidka ee Dowlad Goboleedka KonfuurGalbeed.

Wasiir Ku-xigeenka Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo la hadlayay bulashada rayidka Koonfur Galbeed ayaa yiri ”Waxaan rajaynayaa inaad daraasaad badan ku samaysaan dastuurka kana talo dhiibataan, kana dhiibataan aragtidiina si loo xaqiijiyo in qofkasta oo Soomaali ah ka dhex arko xaqiisa dastuurka waana hubaa in bulshada rayidka Koonfur Galbeed ay doorkooda qaadan doonaan”.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-xigeenka oo ku hadlayay magaca seddexda hay’ad ee u xilsaaran qabyo tirka dastuurka ayaa uga mahadceliyay guud ahaan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen iyo wadashqeynta wanaagsan ee ay u muujiyeen.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay gobolka Baay

Baydhabo-(SONNA)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa maanta weerar ku qaaday xero ay deganaayeen Khawaarijta oo…

July 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Qorshaynta XFS oo kulan la qaatay guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu weheliyo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,…

GudahaWararka
December 17, 2024

Wasaaradda deegaanka oo Kalluun ku wareejisaywasaaradda amniga

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada xukumadda Federaalka Soomaaliya marwo Khadiija Maxamed Makhsuumi ayaa hal tan oo kalluun…

GudahaWararka
May 17, 2023

Madaxweynaha JFS oo casho sharaf u sameeyay Aqoonyahannada ka qaybgalay Shirweynaha 15aad ee Daraasaadka 

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha iyo mas’uuliyiinta ka qeyb-galay…

GudahaWararka
December 19, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh & wafdi uu hoggaaminaayo oo lagu soo dhaweeyay dalka tanzania.

Arusha.SONNA……Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania,…

Gudaha
November 29, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023