Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Akhriso Khudbadda Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee uu ka jeediyay Barnaamijka kobcinta Wax soo saarka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Akhriso Khudbadda Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee uu ka jeediyay Barnaamijka kobcinta Wax soo saarka
Wararka

Akhriso Khudbadda Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee uu ka jeediyay Barnaamijka kobcinta Wax soo saarka

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 20, 2021
5 Min Read
Share

Khudabadda Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  ee daahfurka mashruuca ILED qeybtiisa silsiladda wax-soosaarka iyo joogteynta kobaca dhaqaalaha ee xoolaha iyo kaluumeysiga.

 Mudane. Jamal Mohamed Hassan, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga

 Mudane:  Abdillahi Bidhan Warsame, Wasiirka Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda

Mudane: Omar Mohamud Mohamed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho

 Mudane:  Nicolas Berlanga Martinez, Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya

 Mudane: Etienne Peterschmitt, Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO).

 Wasiirada Kaluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya

 Shirkada Gaarka ah, ka soo qeybgalayaasha kala duwan Mudanayaan iyo Marwooyin.

 Mudanayaal iyo Marwooyin,

 Waxaa farxad weyn ii ah in aan idinkala soo qeyb galo kulankani muhiimka ah ee lagu daahfuraayo Barnaamijka Silsiladda Waxsoosaarka  Xoolaha iyo kaluumeysiga iyo Joogteynta Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya ee Midowga Yurub (EU) ay ugu deeqday Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, maanta waxaa dhamaanteyn Fursad Taariikhi ah noo ah in aan furno bilowga Mashruuca silsiladda Waxsoosaarka iyo Joogteynta Kobaca Dhaqaalaha ee Xoolaha iyo Kaluumeysiga.

Waxaa kaloo farxad inoo wada ah maanta in aad goob joog ka tihiin dhammaantiina , Wasaaradaha Federaalka, Wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ee Xanaanada Xoolaha iyo Kalumeysiaga Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya, Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, Munaasabadan balaaran ee Daahfurka Mashruucan.

Waxaan rabaa in fursaddaan ugu faa’ideysto inaan u mahad celiyo Midowga Yurub oo tagaaro buuxda siiyey Barnaamijkan weyn ee wax ku oolka u ah dhammaan bulshada iyo Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda taagta daran ee Xoolo Dhaqatada iyo Kalumaysatada Soomaaliyeed.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Qaar badan oo idinka ka mid ah waxaan isla bilaawnay safarkii dheeraa ee aan ku diyaarineyna barnaamijkaan sannadkii tagay ee 2020kii, kaa soo uga qeyb qaadateen si muuqata islamarkaana aan soo bandhigteen dhammaantiina muhiimadaha iyo Baahiyaha hortabinta idiin leh Deegaanadiina. Sidaad la socotaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa iyo Midowga waxey qabteen kulan la tashi ah oo  lagu qabtay magaalada Baydhabo bishii Febraayo 2020 kaa soo  ay ka soo qeyb galeen dhammaan daneeyayaasha horumarinta xoolaha iyo waxsoosaarkooda oo ay ku jiraan hay’adda FAO, Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, Gobolka Banaadir iyo Shirkadaha gaarka ah waxaana meel laysla dhigay hawlaha hortabinta iyo muhiimadaha u leh qeybta Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa. Shirkani wadatashiga waxaa diiradda lagu saaray muhiimadaha ay asteynayeen Istaraatiijiyadda Horumarinta Xoolaha iyo Waxsoosaarkooda Somaliya Iyo Qorshaha Qaranka ee 9aad, iyo baahiyaha bulshooyinka.

Waxaa sidoo kale looga hadlay sidii adeegyada muhiimka ah hoos loogu daadijin lahaa illaa iyo heer bulsho Deegaaneed islamarkaana loo hubiyo in cid walba ay ka faa’ideysatay mashruucani.

Mashruucani wuxuu qeyb ka qaadanayaa xasiloonida dalka, dhiira gelinta dib u heshiisinta gudaha, dhisidda nabadda, abuuridda fursad dhaqaale oo loo wada dhan yahay iyo badbaadada dadka taagta daran. Taa soo loo maraayo qaab deegaaneed  ayadoo si wada jir ah looga shaqeynaayo arrimaha siyaasadda, amniga dhaqaalaha si lmaalgeqebta Qeybta Waxsoosaasrka.

Muadanayaal & Marwooyin

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa waxaa ka go’an in kor u qaaddo Nolosha malaayiin xoola dhaqato, xoolo raacato, kuwa ka shaqeeya waxsoosaarka xoolaha iyo Untooda  iyo buulshooyinka ku nool Miyiga ee  ku tiirsan xoolaha iyo waxsoosaarkooda. Waxaa intaasi dheer in xoolaha iyo waxoosaarkooda ay qeyb weyn ka qaataan dakhliga dowladda, shaqo abuurka ayadoo lagu qiyaaso xoolaha waxsoosaarkooda shaqooyinka ay abuuraan ay gaareyso 55% marka laga hadlayo dhammaan shaqooyinka dalka ka jira, waxaa kaloo qeyb ka ah shaqooyin aan toos aheyn kuwaasoo ay sameeyaan silsiladda waxsoosaarka Xoolaha sidaa darted ayeey qeybtani xoolaha muhiim inoogu tahay.

Sidaa daraadeed daahfurka maanta ee qeybtaan xoolaha waxey siyaadin doonta kobaca dhaqaale, shaqo abuur xasilooni iyo adeeg bulsho oo gaara illaa deegaanada miyiga ah.

Ugu dambeyntii waxaan hadalkeyga ku soo gabagebynayaa in aan idiinku mahad celiyo dhammaantiina ka go’anaashihiina in kor loo qaado sectorka waxsoosaasrka Xoolaha iyo Kaluumeysiga mashruucanina uu u noqdo udub dhexeed.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa midowga Yurub (EU) oo taageero buuxda ku buxiyey mashruucani, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Hay’adda FAO ee Soomaaliya.

Waad Mahadsantihiin

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddi soo baarah dadkii Amisom ay ku laysay Golweyn.

MUQDISHO (SONNA)- Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Soomaaliya ee Ugandha ayaa sheegay…

GudahaWararka
August 22, 2021

Horjooge iyo Maleeshiyadiisa oo lagu khaarajiyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Muqdisho(SONNA):- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Abdirahman Yuusuf Al-cadaala ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in Horjooge iyo…

GudahaWararka
December 26, 2022

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka hawlaha guud oo Kismaayo gaaray

Kismaayo (SONNA): Magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda hawlaha guud ee XFS mudane Cabdisalaan…

GudahaWararka
June 3, 2024

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

Muqdisho:(SONNA) Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029). Ra’iisul Wasaaraha,…

Wararka
March 17, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023