Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Afka laguma dumin karo Dowladnimada (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Afka laguma dumin karo Dowladnimada (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Afka laguma dumin karo Dowladnimada (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 2, 2024
3 Min Read
Share

Dalkeenna Soomaaliya muddo laaba sano ah ayaa waxaa u qabsoomay arrimo badan oo ay horey u sii qorsheysteen, Soomaaliya waxa u ku biirtay Bulshada Bariga Afrika, waxaan helnay Kursiga Golaha Ammaanka ee Qarmada Midoobay, Soomaaliya waxaa kaloo laga qaaday Cuna-qabateynta hubka, waxaan ku guuleysannay Daynta Cafinta, waxaa heer geba-gabo ah maraya dhameystirka Dastuurka, waxaa sidoo kale laga shaqeynayaa Ciribtirka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo Amniga ah 100% insha Allah.

โ€œkama cabsanayno kuwa isku dayaya inay Afka ku duminayaan Dowladnimada, ee horseed ayaan u noqonaynaa in bulshada ay naga helaan waxay rabaanโ€ Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay 64 guuradii kasoo wareegatay maalinta Xorriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol oo dhawaan lagu qabtay Muqdisho ayaa intaa raaciyay in ay horseed noqonaynaan ka dowlad ahaan in bulshada ay helaan waxa ay doonayaan.

Khudbadda Madaxweynaha oo dhinacyo badan taabanaysay ayaa wuxuu si gaar ah diiradda u saaray dowlad wanaagga iyo sida ay beesha caalamka ula dhacsan tahay horumarrada la gaaray, wuxuuna Madaxweynuhu ka digay in aan lagu kadsoomin kuwa sawirrada qaldan ka bixinaya horumarrada la taaban karo ee ay gaartay dowladdu, isagoo sheegay inaanan layska indha tiri karin guulaha is-daba joogga ah ee lagu tallaabsaday labadii sano ee lasoo dhaafay, haatanna uu rajeynayo in horay loogu socdo.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa isna sidoo kale tilmaamay horumarka iyo isbeddelada waaweyn ee dalka ka socda, isagoo rajo weyn ka muujiyey in Soomaaliya ay gaari doonto mustaqbal ifaya oo ka tarjumaya himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

โ€œWax wada-hadal ah oo aan la furnay Khawaarijta ma jirto waa been, dadka Soomaaliyeed waxaan rabaa walaahoowgaas in ay aad iyo aad uga baxaanโ€, ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, mar uu ka hadlaayay arrinta ah โ€˜ wax wadahadal ah ma lala gali karaa Kooxda โ€˜KHAWAARIJTA AHโ€™ ee Al-shabaab, iyadoo hadalkaasi Madaxweynaha ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay leysla dhex marayay in uu jiroย  qorshe ku aaddan wada hadallo lala furo khawaarijta, taasi oo uu Madaxweynuhu ku sheegay โ€˜wax kama jiraanโ€™ oo aan sal iyo raad laheyn, isagoo ku cel-celiyay in aysan muuqan wax ay ka wada hadli karaan khawaarijta.

โ€œma jiraan wax wada hadal ah oo ay dowladdu la furtay khawaarijta, waayo wax ka dhaxeyn kara ayaanba jirin:, ayuu si cad u sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda iyo khawaarijtu aysan yeelan wax wada hadal ah, wuxuuna dadka Soomaaliyeed faray in ay iska saaraan walaahoowga arrintaasi ku aaddan.

Abwaan Cusmaan Guure ayaa waxaa laga hayaa โ€œBILAASH KU DOODYA BEEN HAWAAS, WAX BADAN KAMA SOO BAXAANโ€.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga doorashada maamulka Puntland oo doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen

Muqdisho.(SONNA):-Doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga maamulka doorashada heer Dowlad goboleed ee Maamulย  ee Puntland ayaa maanta ka qabsoontay magaalada…

GudahaWararka
July 6, 2021

Xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya oo si casri ah loo dhisayo

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali oo ay weheliso Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dahabo Suusoow…

GudahaWararka
August 17, 2025

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Warbixinta Toddobaadlaha Muqdisho, Arbaco, 26 April, 2023 1- Dowladda iyo shacabka ayaa ugu Hambalyeeyay Ciidammada Qalabka…

GudahaWararka
April 26, 2023

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii hore ee Gobolka Baay Maxamed Cali Adan (Qalinle) ย 

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diintaย  Xukuumadaย  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhaar Roobow Cali ayaa tacsi tiiraanyo leh u…

Gudaha
November 1, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023