Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF
    July 12, 2025
    Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah
    July 12, 2025
    Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik
    July 12, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadantinimo ee Galmudug
    July 12, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Af qalaad Aqoonta miyaa? (Maqaal)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Af qalaad Aqoonta miyaa? (Maqaal)
MaqaalladaWararkaWargayska

Af qalaad Aqoonta miyaa? (Maqaal)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 22, 2020
8 Min Read
Share

Maadaama dhawaan dunida laga xusay maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo ayaa waxaan qormo kooban ku soo qaadaneynaa taariikhda Afkeenna Hooyo, heerarkii uu soo maray iyo ugu dambeyntii sida uu u najaxay.

Dowladihii dhexe ee shacabka ahayd 1960 iyo 1967 talada wadanka hantay waa ay gaari waayeen go’aan farta lagu qorayo Af Soomaaliga iyada oo si wanaagsan loo soo bandhigay baahida loo qabay qorita Af Soomaali si looga xoroobo gumaysi afkiisa si dhaqanka iyo nolosha wadanka iyo maamulkiisa si toos ah loo hanto.
Guddiga Af Soomaaliga.

Sida Afafka oo kale wuxuu soo maray marxalado kala duwan waxaana xil loo magacaabay seddex jeer, iyada oo dood fogaatay darteed iyo taageero qalafsan oo xubno Dawladda ka tirsan, ganacsato iyo xunbaha guddiga qaarkood ay gacan maroojin ku samaynayeen xubnaha guddiga. Taageero dad aan danta guud ka fakarayn, dad qabiilka ku fogaa iyo ganacsato wax kale laga dhaadhiciyay iyo guud ahaan dowladihii oo fadhiid ahaa iyo go’aan la’aan wasaaradihii ku shaqo lahaa arrinta qorista Af Soomaaliga ayaa mixnad ku noqday guddiga inuu fuliyo howlihiisa. Sidoo kale wadamo shisheeye sida kuwo Carbeed ayaa taageero iyo mucaarad isku garab waday.

Labo jeer ayaa waxaa uu guddiga soo saaray ama daabacay xogtii uu helay. Labadii jeerba xogta waa la duugay oo hab musuqmaasuq unbaa lagu sifeyn karaa. Baaristii labaad yo xog-baarkii labaad hey’ada Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa maalgelisay baarista iyo fadhiga guddiga.
Shaqada Guddiga Af-Soomaaliga.

Xubnaha Guddiga Af-Soomaaliga oo ay ku jireen rag aad ugu xeel dheeraa maadada Af Soomaliga, oo qaarkood ay ahaayeen qoreyaal ayaa u howlgalay sidii loo heli lahaa farta ama xuruufta taaganeyd. Guddiga Af Soomaaliga wuxuu shaqo bilaabay sanadkii 1961-kii markii labaad waxaa la howlgaliyay 1967-kii.

Markii seddexaad waxaa waxaa dib loo abaabulay sanadkii 1972-kii, iyaga oo qaamuus, buugag iyo manhajyo ku diyaariyay mudo 1 sano gudihiis ah. Guddiga waxay go’aansadeen in Far Soomaaliga lagu qoro xuruufta Laatiinka, iyada oo dhaqaalaha wadanka loo eeyay iyo qalabka markaas la heli karay oo u badnaa midka farta laatiinka ama ABC ku naqshadaysnaa. Qorist Far Soomaaliga ayaa go’aan laga gaaray 1972-kii, iyada oo guddiga isla markiiba ku dhaqaaqay ururin qaamuus iyo howlo kale oo baaxad leh.

Waxaa jiray codbixin ballaaran oo la siinayay in xuruufta Af Carabiga la doorto balse dhaqaalaha inuusan saamaxeyn, isla markaana Af-Carabi ay bulshada Soomaaliyeed ku baran karaa si sahal maadaama cannuga walba oo Soomaaliyeed uu Qur’aanka ku barbaaro oo aysan mushkilad ku noqoneyn in Af Carabi, afka Quraanka la baran waayo.

Xuruuf qalaad ayaa jirtay sida Cismaaniya laakiin Af Xabashi maldahan ayay ahayd. Dowladihii na taageerayay ee Carbeed nooc gumeysteyaal ah ayay ula dhaqmayeen bulshada iyo Dawladda Soomaaliyeed wax dhaqaale ah oo ay nagu biirin kareene ma jirin oo iyagaanba is fahansanayn. Taasina way cadaatay muddo ka dib. Guud ahaan 18 far aya laga doortay farta la ansixiyay.

Guddiga Af Soomaaliga waxay qoreen buugtii ugu horreysay ee Af Soomaali rasmi ah lagu qoro walow Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal iyo Shire Jaamac Axmed ay tijaabiyeen Far Soomaali hore. Fartii Shire Jaamac Axmed ayaa hirgashay kalfadhigii ugu dambeeyay ee uu guddiga ku go’aansaday in la qaato xuruufta Shire Jaamac Axmed uu alifay.

Xaaji Muuse Ismaaciil Galaal iy Shire Jamaac Axmed waxay qoreen buugaag 1954-kii iyo 1965-kii sida ay iskugu xigaan. Dugsiyo dhowr ah oo waxaa jiray loogu magac daray Muuse Galaal.

Xubnaha Guddiga Af Soomaaliga ee sanadkii 1972-kii u fadhiistay xalinta Far Soomaaliga oo muddo 18 sano ah taagnayd waxay ka tageen buugaag lagu xusay suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda bulsho ama sooyaaalka Soomaaliyeed.
Xubnaha Guddiga Far Soomaaliga waxay ahaayeen:-
Shariif Saalax Maxamed Cali Guddoomiye
Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal Xubin
Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) Xubin
Shire Jaamac Axmed Xubin
Khaliif Suudi Xubin
Mustafe Sheekh Xasan Xubin
Maxamuud Saalax (Ladane) Xubin
Yuusuf Meygaag Samatar Xog-Haye
Yaasiin Cismaan Kenadiid Xubin
Ibraahim Xaashi Maxamuud Xubin

Guddiga Af Soomaaliga seddex jeer ayaa la abaabulay. Xubnihii ugu dambeeyay ayaa gaaray ujeedkii iyo yoolkii loo abaabulay guddigaas.
Guddiga Af Soomaaliga waxaa laga dhaxlay Guddiga Horumarinta Manaahijta iyo shaqaale badan oo ka howlgalay Wakaalada Madabacada Qaranka.

Af Soomaali Tacliinta Aasaasiga ilaa sare.
Waxbarashada aas aasiga inta badan si sahal ah ayaa lagu askumi karaa haddii la helo dad aqoon u leh maadooyinka iyo nolosha dhaqandhaqaale ee bulsho iyaga oo tiigsano waxa ay bulshadaas tiigsanayso aayatiinka dhow iyo kan fog. Labada heer ee hoose/dhexe iyo waxbarashda dugsiyada caadiga ah waxaa mas’uul ka ahaa Xafiiska Horumarinta Manaahijta oo hoos imaan jiray Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta.
Dhammaan dugsiyada hoose dhexe ilaa sare iyo goobaha tacliinta sare sida kulliyadaha iyo Jaamacada Ummada Soomalaiyeed intaba waxaa laga bixin jiray casharoo oo ay dejiyeen Guddiga Horumarinta Manaahijta iyada oo ay jirtay in xarumaha tacliinta sare ay lahaayeen waax u gaar ah dejinta manhajka dhaafsan heerka aas aasiga. Kulliyadaha iyo jaamacadaha waxay dejin manhaj takhasus sida beeraha, culuunta Siyaasadda, maamulka iyo maaraynta iwm.

Wakaalada Madbacada Qaranka
Wakaalada Madbacada Qaranka oo ku taalay dhabarka Xafiiska Dolwada Hoose ee Degmada Xamar wayne aaga Sukundo Liido waxay qayb lixaad leh oo aan la soo koobi karin ka qaadatay horumarinta Af Soomaaliga.
Dhammaan buugaagtii Af Soomaaliga ku qornaa ee lagu daabacay Soomaaliya sanadadii 1973-kii ilaa 1990-kii waxaa daabacday Wakaalada Madbacada Qaranka.

Haddaba si loo weyneeyo maalinta Afka Hooyo ayaa waxaa lagu qabtay munaasabaddo meelo ka tirsan Soomaaliya, waxaana ka mid ah mid lagu qabtay Magaalada muqdisho, taasi oo uu ka qeybgalay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, isagoo ka hadlayay dadaalka loogu jiro horumarinta Afka hooyo ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka shaqeynayso sidii loo mideyn lahaa dhaq-dhaqaaqyada kobcinta Afka Soomaaliga.

Wasiir Goodax, ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Jabuuti doorka ay ka qaadanayso horumarinta Afka iyo sameyntii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga, wuxuuna ugu dambeyntii sheegay inay ka shaqeynayaan tababarka shaqaalaha Dowladda, si qoraallada ka soo baxa Xafiisyada Dowladdu ay u noqdaan kuwa ku qoran Af Soomaali sax ah.

Horaa loo yiri Af Qalaad Aqoonta miyaa? Maya ee waa inta eebbe gashaa, sidaasi awgeed waa in aynu ku fara adeegnaa horumarinta iyo adeegsiga Afkeenna Hooyo.

W.Q:-C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa ka Qaybgalaya tababar ku saabsan Maareynta…

July 12, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Booliiska Samo-mareeb oo gacanta ku dhigay nin fal dhaawac ah gaystay

Samo-mareeb (SONNA}- Taliska Ciidanka Booliska Magaalada Samo-mareeb ayaa faah faahin ka bixiyay fal dhaawac oo xalay gudaha Magaaladaas loogu geystay…

GudahaWararka
September 14, 2020

Cutubyo ka tirsan Ciidan Xoogga Dalka oo ka qeybgalaya dhoolatus Ciidan oo caalami ah

Muqdisho(SONNA):-Saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhoolatus Ciidan uga qeyb-galaya Dalka dibadiisa ayaa ka anbabaxay garoonka…

GudahaWararka
February 24, 2024

Duqa Muqdisho iyo saraakiisha amniga oo kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ay wehliyaan…

GudahaWararka
April 18, 2023

Doorashada kuraasta golaha shacabka oo maanta ka bilaabaneysa Garoowe

Muqdisho.(SONNA|):- Shan kursi oo kamid ah xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto…

GudahaWararka
January 22, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023