Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay Sii-Hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Justin Davis.
Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee la xiriira horumarinta warbaahinta, wacyigelinta, la dagaallanka argagixisada, kor u qaadista Farshaxanka, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
