Muqdisho (SONNA): Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee galabta ka dhacday degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo wejiyada soo duubtay, Kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Khayre.
Maleeshiyaadkan oo ku hubeysan hub culus ayaa si toos ah u beegsaday xarun ay leeyihiin Ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Howlwadaag, taasoo xalay fiidkii uu ku soo daabulay maleeshiyaadkan, waxaana nasiib darro ah in maleeshiyaadkaas ay hubka culus ee ay wateen ku garaaceen xaafado ay degan yihiin dad shacab ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa in aan la aqbali doonin isku day kasta oo lagu wiiqayo amniga caasimadda, lagu carqaladeynayo shaqada ciidamada ammaanka, ama lagu abuurayo cabsi iyo qalalaase.
Hay’adaha amnigu waxay bilaabeen baaritaan rasmi ah oo la xiriira fal dambiyeedkan, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado cid kasta oo ku lug yeelata.
Ugu dambeyn Dowladda Federaalka Waxay uga mahadcelineysaa shacabka Soomaaliyeed wadashaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin hey’adaha Amniga, waxayna ugu baaqeysa dowladdu inay sii laba-laabaan dadaalkooda si wadajir loogu hortago fal kasta oo carqaladeyn kara degegaanshaha iyo nabadgelyada ka jirta Caasimadda Muqdisho.
–DHAMMAAD–