Muqdisho (SONNA): Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xuukumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub (EU) iyo hoggaanka UNDP.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga lagu hirgelinayo Istaraatiijiyadda Bahda Cadaaladda 2025–2029 iyo ballaarinta helitaanka caddaaladda ee dalka.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageeradooda joogtada ah isagoo sidoo kale bogaadiyay doorka UNDP ee hirgelinta Barnaamijka Wadajirka ah ee Cadaaladda iyo Asluubta (JJCP), oo ah barnaamij muhiim u ah horumarinta adeegyada caddaaladda Soomaaliya.
