Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Qorsheynta Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Boqortooyada Eswatini Mudane Dr.Thambo Gina, intii uu socday Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kuuriya iyo Afrika ee ka dhacaya magaalada Seoul.
Wadahadallada labada masuul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Eswatini.
Dr. Gina ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee Eswatini ay u hayso madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo xorriyadda siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Labada Wasiir ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta midnimada Afrika, is ixtiraamka, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ay wadaagaan danaha iyo mudnaanta guud.
