Muqdisho,(SONNA):- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka argagixiso ee loo adeegsaday bambaanooyinka ee lagu bartilmaameedsaday tareen rakaab siday oo ka dhacay magaalada Quetta ee gobolka Balochistan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, kaas oo sababay dhimashada dad rayid ah oo aan waxba galabsan, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, halka kuwo kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, iyadoo sidoo kale u rajeynaysa dhaawacyada in si degdeg ah alle u bogsiiyo.
Dowladda Soomaaliya waxay si buuxda u garab u taagan tahay Dowladda Islaamiga ah ee Pakistan, waxayna markale caddeyneysaa mowqifkeeda adag ee ay ku diiddan tahay dhammaan noocyada argagixisada iyo weerarrada lagu beegsanayo shacabka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
