Muqdisho (SONNA): Wasiirro uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si weyn ugu soo dhaweeyey Safiirka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay u soo magacawday Soomaaliya Amb. Cismaan Dubad Sugule.
Danjire Cismaan Dubad oo horay uga soo shaqeeyey Soomaaliya ayaa soo noqday taliyihii ugu horeeyey ee Ciidamada Hiil-walaal ee Jabuuti ay u soo dirtay Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan argagixisada oo caqabad ku aheyd dhismaha dowladnimada Soomaaliya ayaa wasiirrada soo dhaweeyey waxay qireen inuu yahay qofkii ugu mudnaa ee ka shaqeyn lahaa hormarinta iskaashiga labada jamhuuriyadood ee walaalaha ah.
Soo dhaweyntii garoonka kadib, xarunta safaaradda Jabuuti ee Muqdisho ayaa loo gelbiyey wafdiga Danjire Cismaan Dubad, halkaas oo ay ku diyaarsanaayeen Ciidamada gaarka ah ee safaaradda oo salaan uu ka qaatay, kooxaha Barbaarta Gaashaanman oo ku soo dhaweeyey ciyaaraha dhaqanka Soomaalida iyo howlwadeennada safaaradda oo si weyn u soo dhaweeyey danjiraha cusub.
