Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud iyo Wasiirkii hore Mudane Daauud Aweys Jaamac.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub, in uu la yimaado, hufnaan shaqo, isaga oo Alle uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday, isaga oo ku ammaanay Wasiirkii hore shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay muddadii uu joogay Wasaaradda.
Mudane Saalax, ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta kamid ah tahay hey’adaha muhiimka u ah shaqada Xukuumadda, isaga oo u mahadceliyay guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda ee kaalinta weyn ka qaata shaqada Qaranka.
