Degaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-ka May lagu wadaa inay ka qabsoonto doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo wakiillada. Doorashooyinkan ayaa ka dhici doona 13 degmo oo ka kala tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka ayaa ku sugan goobaha doorashada, iyagoo si toos ah u soo tabin doona habsami u socodka doorashooyinka inta ay socdaan.
Shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay doorashadan, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horseedi karta horumar, matalaad iyo mustaqbal wanaagsan.
Cabdi Mursal oo ah odey 70 jir ah ayaa sheegay in doorashada dadweynuhu ay rajo cusub gelisay bulshada, isagoo yiri: “Waxaan ahay 70 jir, doorashada dadweynaha waxay ii horseedday rajo iyo mustaqbal ifaya.”
Sidoo kale, Hooyo Wacan oo kamid ah dadka isu diyaariyay codbixinta ayaa muujisay farxaddeeda, iyadoo tiri: “Berri haddii Alle idmo, kaarkan aan sito ayaan ku codayn doonaa anigoo xambaarsan cunugayga.”