Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibaddaย oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    โ€œKoonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyaddaโ€œ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: ๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐Ž๐Ž๐Œ๐ˆ๐˜๐€๐‡๐€ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐Š๐€ ๐๐€๐๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐‘ ๐Ž๐Ž ๐’๐‡๐ˆ๐‘-๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐Ž๐Ž๐Œ๐ˆ๐˜๐„๐˜ ๐Š๐”๐‹๐€๐๐Š๐€ ๐€๐Œ๐๐ˆ๐†๐€ ๐‚๐€๐€๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ๐ƒ๐€
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐Ž๐Ž๐Œ๐ˆ๐˜๐€๐‡๐€ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐Š๐€ ๐๐€๐๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐‘ ๐Ž๐Ž ๐’๐‡๐ˆ๐‘-๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐Ž๐Ž๐Œ๐ˆ๐˜๐„๐˜ ๐Š๐”๐‹๐€๐๐Š๐€ ๐€๐Œ๐๐ˆ๐†๐€ ๐‚๐€๐€๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ๐ƒ๐€
GudahaWararka

๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐Ž๐Ž๐Œ๐ˆ๐˜๐€๐‡๐€ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐Š๐€ ๐๐€๐๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐‘ ๐Ž๐Ž ๐’๐‡๐ˆ๐‘-๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐Ž๐Ž๐Œ๐ˆ๐˜๐„๐˜ ๐Š๐”๐‹๐€๐๐Š๐€ ๐€๐Œ๐๐ˆ๐†๐€ ๐‚๐€๐€๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ๐ƒ๐€

By Abdulkadir
Last updated: May 9, 2026
2 Min Read
Share

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ(SONNA):-: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda, xoojinta wada-shaqeynta hayโ€™adaha amniga iyo maamullada degmooyinka, ka hortagga falalka amni-darrada iyo burcadda abaabulan ee dhibaateeya xasilloonida shacabka.

Kulanka ayaa sidoo kale loogu hadlay adkeynta iyo hogaansamidda amarkii kasoo baxay Duqa Magaalada Muqdisho ee ahaa in la hakiyay dhammaan hawlaha fulinta, baneynta iyo jid-u-furista dhulka ee ka socday Magaalada Muqdisho, iyadoona shirka lagu adkeeyay sii joogteynta qorshayaasha wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si loo ilaaliyo koboca iyo horumarka Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoosta ka xarriiqay in sugidda amniga iyo xasilloonida Muqdisho ay laf-dhabar u tahay horumarka caasimadda iyo guud ahaan dalka, isaga oo faray mas’uuliyiinta iyo hayโ€™adaha amniga in la sii laba-laabo dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo badqabka bulshada.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Taliyaha qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir G/sare Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Nabadsugidda G/Banaadir Korneel Liibaan Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Booliisiya Milataariya Korneel Aadan Jeelle Faarax, guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha saldhigyada Booliska iyo Nabad-sugidda degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Wanlaweyn, (SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 7aad ee Qeybta 12-ka April, ayaa howlgal isugu jiray sifeyn iyo burburin…

GudahaWararka
October 3, 2024

Lataliyaha Amniga Qaranka “Awooddii Khawaarijta hoos ayeey u dhacday waxaana gaaray jab aysan kasoo kaban karin”

Muqdisho.SONNA...Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin oo u waramayey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in la joogo waqtigii shabaab ay isu-dhiibi lahaayeen…

Gudaha
May 17, 2024

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo duqeymo la beegsaday dhismo ay ku sugnaayeen Kooxda Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay duqeyn la beegsadeen dhismo ay argagixisadu ku leeyihiin meel ku dhow…

Wararka
February 9, 2020

Wasiirka Warfaafinta XFS oo isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta XFS Cusmaan Abuukar Dubbe, wasiiru dowlaha wasaaradda howlaha guud Gen. Bashiir Gooble iyo masuuliyiin kale ayaa isbitaal ku…

GudahaWararka
January 31, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023