Mugadisho-SONNA — Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wada hadal khadka taleefanka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Bahrain, Abdullatif bin Rashid Al Zayani.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo danaha guud, iyagoo sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada shaqeynta iyo isfahamka labada shacab iyo dowladood.