Baydhabo(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta bulshada, adkeynta geeddi socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha iyo horumarinta dowladnimada.
Madaxweynaha ayaa Odayaasha ku bogaadiyey doorkooda taariikhiga ah ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka iyo taageerada dowlad-dhiska dalka, isaga oo adkeeyey muhiimadda wada shaqeynta dowladda iyo hoggaanka dhaqanka si loo xaqiijiyo horumar iyo xasillooni waarta.
Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka ay ku bixinayso nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanada Koonfur galbeed, iyaga oo muujiyey garab istaagooda qorshayaasha Qaran ee lagu xoojinayo dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka.
