Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka iyo Isbitaalka Hodan oo kala saxiixday heshiis muhiim ah
    April 5, 2026
    Taliyaha Ciimada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada
    April 5, 2026
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba 
    April 5, 2026
    Wasiirro katirsan XFS oo booqasho ku tegay qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo
    April 5, 2026
    Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA
    April 5, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWararka

Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: April 5, 2026
4 Min Read
Share

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u diiwaangelisay Markabkii ugu horreeyay ee ee sita Calanka Soomaaliya ee Joqoraafi ahaan dhacda Geeska Afrika tan iyo markii ay burbureen hay’adihii hore ee dalka dagaalladii sokeeye ee 1991-kii awgood.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 30 sano ah kadib diiwaangalisay markabkii ugu horreeyay ee sita Calanka Qaranka Soomaaliyeed, sida ay qortay Warbaahinta Turkiga laga leeyahay ee TRT. “Diiwaangelintu waxay ka dhigan tahay ‘soo noolaynta hay’adda badda Soomaaliya iyo dib u soo celinta kalsoonida Calanka Soomaaliya,’ ayuu yiri Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jamac.

Soomaaliya waxay leedahay dhul xeebeed dhererkeedu ka badan yahay 3,330 kiiloomitir (2069 Mayl), taasoo ka dhigaysa tan ugu dheer badweynta Afrika.  “Maanta, waxaan si rasmi ah uga diiwaan gashannay Markabka ‘Guney’ (IMO 8230417) oo ku hoos safraya calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ku yiri hadal uu Khamiistii soo saaray.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in diiwaangelinta Markabkan oo ah markii ugu horreysay tan iyo burburkii dowladnimo in ka badan sodon sano ka hor dagaaladii sokeeye ay muujineyso dib u soo nooleynta maamulka Badda Soomaaliya iyo dib u soo celinta kalsoonida Calanka Soomaaliya.

“Tani waa markii ugu horreysay burburkii dalka kadib ee markab lagu diiwaangeliyo calanka Soomaaliya, taasoo astaan u ah dib-u-soo-nooleynta awoodda iyo sumcadda Calanka Soomaaliyeed. Diiwaangelintan waxay ku timid kadib dhameystirka dhammaan shuruucdii loo baahnaa in dal uu bixiyo Calan. Wasaaraddu waxay soo dhaweyneysaa Milkiilayaasha Maraakiibta iyo Ganacsatada inay ku diiwaangeliyaan Maraakiibtooda Calanka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadd Federaalka Soomaaliya qoraal ay soo saartay ayay ku sheegtay in talaabadaan muhiimka ah ay ku timid kadib markii ay Wasaaraddu hirgalisay dhammaan shuruucda lagama maarmaanka u ah diiwaangalinta iyo Calan siinta Maraakiibta, ‘waxayna muujineysaa go’aanka ku aadan horumarinta iyo casriyeynta arrimaha Badda.

“ Diiwaangalinta ‘Cuney’ waxay fursad cusub u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, Wasaaradduna waxay soo dhaweyneysaa Ganacsatada iyo Mulkiilayaasha Maraakiibta inay ka faa’ideystaan fursadaan cusub, si ay uga qeybqaataan horumarinta dhaqaalaha dalka. Dadaalkaan waxa uu qeyb ka yahay qorshaayaasha Isteraajiyadeed ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliyeed, islamarkaana taageeraya hirgalinta qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP)”,ayaa lagu yiri:- qoraalka ka soo baxay Wasaaradda.

Mid ka mid ahaa Badmaaxiintii Soomaaliyeed ee bari samaadkii ka howlgali jiray Maraakiibta ayaa yiri:- “Aniga oo og  Muhimadda ay leedahay, Talaabada ay qaaday Dowladda Soomaaliya, Bishan April ee sanadkan 2026-ka, gaar ahaan Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee lagu Diiwaan galiyay Markabka Magaciisu yahay ( Cuney) sumadiisuna tahay, IMO. No. 8230417, kaas oo qaadanayo Calanka Soomaaliya, si uu ugu maro Badaha Caalamka, iyada oo Calankeenna Maraakiibta sidata ayna muddo ka muuqan Dekedaha iyo Baddaha Caalamka, ha noqdo Markab Soomaalidu leedahay ama mid looga kireeyay ku meel maridda Calankeena oo muddo Caalamka ka heystay Ceymis raqiis ah, taas oo hore u soo jiidatay Maraakiib badan oo Ajnabi lahaa”. “Hambalyo iyo Guul. Horuumar ayaa u rajeeynaa Wasaaradda”, ayuu ku soo gunaanaday Badmaaxa Soomaaliyeed oo arrintaasi aad ugu farxay.

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka iyo Isbitaalka Hodan oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Isbitaalka Hodan ayaa si rasmi ah…

April 5, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Howlgal qorsheysan oo lagu burburiyey goobo khawaarijtu ku kaydsan jireen sunta qaraxyada iyo saanad ciidan

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Budbud ee Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.…

GudahaWararka
July 15, 2023

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo Galmudug ugu baaqay inay dhameystiraan xubnaha ka harsan Aqalka Sare

Muqdisho (SONNA)- Xubnihii Aqalka Sare ee ku harsanaa maamul goboleedka Jubbaland ayaa shalay lagu doortay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.…

GudahaWararka
October 22, 2021

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno kala duwan ku ridday askar geysatay dhimasho & dhaawac

Muqdisho-(SONNA)… Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan oo isugu jiray dil iyo xabsi ku ridday Xasan Xuseen Maxamed …

Wararka
December 7, 2019

Saanad ciidan oo lagu wax yeeleyn lahaa amniga muwaadiniinta oo la qabtay (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaanahaanba soo saareysay sharciyo lagu sugaayo Ammaanka Dalka iyo xasiloonida Caasimadda Dalka ee Muqdisho, kuwaasi oo dhammaantood…

GudahaMaqaallada
May 23, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023