Muqdisho,(SONNA):- Hantidhowraha Guud ee Qaranka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Monrovia ee dalka Liberia kaga qeyb galay Shir-Madaxeedkii 22aad ee Hayโadaha Hantidhowrka Guud ee Afrikada ku hadasha Ingiriiska (๐๐ ๐๐๐๐๐-๐), kaas oo ay kasoo qeybgaleen Hantidhowrayaasha Guud, wafdiyo ka socday Hayโadaha Hantidhowrka Guud ee xubnaha ka ah ๐๐ ๐๐๐๐๐-๐ iyo saaxiibbada bah-wadaagta caalamiga ah.
Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa si firfircoon uga qeyb qaatay doodaha farsamo, fursadaha iskaashiga iyo isdhaafsiga khibradaha ee ay yeesheen Hayโadaha Hantidhowrka Guud iyo hayโadaha bah-wadaagta la ah.
Shirkan ayaa lagu falanqeeyey mowduucyo la xiriira xoojinta tayada baarista, adeegsiga falanqeynta xogta casriga ah (Data Analytics) iyo baarista deymaha dowladda, si loo taageero isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo joogteynta maaliyadeed.
Ka qeybgalka shirkan ayaa XHGS u ahaa fursad lagu xoojinayo iskaashiga xirfadeed, isdhaafsiga khibradaha iyo la socodka hababka casriga ah ee la xiriira shaqada Hayโadaha Hantidhowrka Guud.
