Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku-xigeenka xafiis Goboleedka Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha OHCHR, ahna Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika Marwo Maymuchka Lauriston iyo wafdi ay hogaamineyso.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo OHCHR, hirgelinta Qaraarka Golaha Xuquuqul Insaanka ee A/HRC/RES/60/28, gaar ahaan dejinta Qorshe Hawleedka labada sano ee 2026-2027 iyo dardargelinta dhismaha xafiiska rasmiga ah ee OHCHR ay ku yeelaneyso gudaha Dalka.
Kulankan waxa uu qeyb ka yahay dadaallada ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ugu jirto Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dalka, oo sanadkii lasoo dhaafay ay guulo ballaaran ka sameysay dhinacaas Wasaaradda, horumarradaas oo ay ugu horeeyaan inaan 32 sano kadib dib ula soo noqotay madax bannaanideeda Xuquuqul Insaanka, si la mid dowladaha Caalamka iyo in lagu guuleystay dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo markii ugu horeysay taariikhda ay Soomaaliya yeelatay.
