Muqdisho,(SONNA):- Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda ka qaatay xoojinta nidaamka dowladnimo ee dalka, horumarinta hanaanka sharci-dejinta iyo ilaalinta danaha dowlad-goboleedyada, Intii lagu jiray muddadaas, Goluhu wuxuu si hufan u gutay mas’uuliyadaha dastuuriga ah ee loo xilsaaray, isagoo door firfircoon ka qaatay kobcinta wada-shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda iyo adkeynta nidaamka dowliga ah.
Jaantuska (Infograph) hoose waxaa ku xusan howlaha iyo guulaha ugu muhiimsan ee Golaha u qabsoomay.
