Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Xarunta Howl-galka Degdegga ah ee Qaranka (NEOC) ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso Marwo Marit Fikke oo ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Norway.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda ka sii dareysa ee abaarta dalka, taas oo haatan ku sii fidaysa qaybo badan oo Soomaaliya ah isla markaana saameysay in ka badan 74 degmo. Waxaa la xusay in bulshooyinka ay abaartu saameysay ay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar bini’aadannimo.
Marwo Marit Fikke oo ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Norway, ayaa amaantay dadaallada joogtada ah ee Hay’adda SoDMA, gaar ahaan howlaha gurmadka ee lagu caawinayo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin waxuu uga mahadceliyay Dowladda Norway taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinaca gargaarka bini’aadannimo, isagoo tilmaamay in Norway ay tahay saaxiib istaraatiiji ah oo Soomaaliya garab taagan, isla markaana uu rajeynayo in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.
