Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay guddiga qabanqaabada xuska maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada
    June 5, 2026
    Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo digniin ka soo saaray maleeshiyaadka amniga qalqalgalinaya
    June 4, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Hambalyeeyay guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed
    June 4, 2026
    Mahad Maxamed Sheekh oo ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed
    June 4, 2026
    War-saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay falalka lagu dhaawacayo amniga caasimadda
    June 3, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jaamacadda Carabta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jaamacadda Carabta
GudahaWararka

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jaamacadda Carabta

By SB
Last updated: February 14, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jaamacadda Carabta, oo uu hoggaaminayay Dr. Maxamed Walad Acmar, Xoghayaha Guud ee ALECSO (Hey’adda Jaamacadda Carabta u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo culuumta).

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, dhaqanka, culuumta iyo kobcinta iyo kor u qaadidda luqadda Carabiga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wafdiga siiyay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka, horumarka ballaaran ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib-u-dhiska hey’adaha, iyo sidoo kale dadaallada lagu tayeynayo nidaamka waxbarashada dalka.

Dhankooda, wafdiga Jaamacadda Carabta ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado iskaashiga waxbarasho, iyaga oo xusay in Soomaaliya ay dib u soo ceshatay kaalinteedii ururrada waxbarashada caalamiga ah, isla markaana la sameeyay horumar muuqda oo lagu tayeynayo heerarka waxbarashada dalka. Waxay sidoo kale caddeeyeen in Jaamacadda Carabtu diyaar u tahay in ay bulshada Soomaaliyeed siiso fursado iyo deeqo waxbarasho oo kala duwan.

Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii kor loogu sii qaadi lahaa horumarinta luqadda Carabiga oo ah luqadda labaad ee dalka, isla markaana leh mudnaan gaar ah marka loo eego doorka ay ku leedahay aqoonta, diinta Islaamka iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dunida Carabta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay guddiga qabanqaabada xuska maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, isaga oo ka duulaya Dastuurka…

June 5, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda arrimaha gudaha oo war kasoo saartay siyaasadda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Dadweynaha

                         JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERAALKA IYO…

Wararka
November 15, 2019

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Muqdisho(SONNA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran wadanka Hindiya,…

GudahaWararka
March 15, 2026

Maanta waxaa dalka ka hirgalay qaadista Canshuurta Gadista ee loo yaqaano (VAT)

Muqdisho(SONNA):-Qiimaha lagu bilaabay Canshuurtaan oo ah 05% ayaa ah kan ugu yar waddamada geeska Afrika, taas oo ah u turis…

GudahaWararka
August 18, 2024

Mareykanka oo ku baaqay in dib loogu laabto wadahadaladii Niyuklerka ee lala galay Iiraan

Af-hayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Ned Price ayaa warbaahinta u sheegay Khamiistii in Washington ay diyaar u tahay inay sii waddo…

Caalamka
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023