Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay qaabilay wufuud iyo diblumaasiyiin sarsare oo ka socda qaar ka mid ah dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.
Kulamadan waxa ay qeyb ka yihiin xoojinta difaaca qaranimada kadib duulaankii qaawanaa ee Israa’iil kusoo qaadday midnimada dalkeena.
Qaabilaadda diblumaasiyiinta ayaa ka tarjumaysa sii xoojinta xiriirka caalamiga ah iyada oo la-tixgalinayo shuruucda iyo qawaaniinta dhaqanka diplomaasiyadeed iyo xeerarka u degsan dunida ee ilaalinta qaranimadda dalalka madaxa banaan, iyo in aan la farogalin arrimahooda gudaha.