Shabeellaha Hoose(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo amni oo lagu sifeynayay maleeshiyaadka argagixisada ee ku dhuumaaleysanayay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Intii uu howlgalka socday, waxaa lagu dilay afar (4) dhagarqabe oo ka tirsanaa kooxaha argagixisada, kuwaas oo ku howlanaa aasin miinooyin ay doonayeen in ay waxyeello ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada waddooyinka deegaanka.
Ciidamada Qaranka waxaa ka goโan ciribtirka maleeshiyaadka argagixisada ee khatarta ku ah amniga shacabka iyo isu-socodka waddooyinka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan nabad iyo amni la isku halleyn karo.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan in howlgallada ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo amni, xasillooni, iyo nabad waarta guud ahaan dalka.

#Dhammaad