Ankara(SONNA):-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ankara Danjire Fatxudiin Cali (Ospite) ayaa ka qeyb galay xaflad ay soo abaabushay safaarada JFS ee Wadanka Turkiga, taas oo lagu xusay 60-guuradii ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga ay ku kala saxiixdeen heshiiska xiriirka diblomaasiyadeed.
Xafladdan ayaa ahayd mid muujinaysa xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga joogtada ah ee ka dhaxeeya labada dal, waxaana ka soo qeyb galay xildhibaano, saraakiil sare oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, iyo sidoo kale masuuliyiin iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda JFS ee Ankara.
Munaasabadda ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaalnimo, iskaashi siyaasadeed, dhaqaale iyo mid bulsho ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
