Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon
    January 11, 2026
    Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta
    January 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar
    January 11, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saaray xadgudubka iyo aqoonsi beenaadka ay Israaiil siisay Somaliland
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saaray xadgudubka iyo aqoonsi beenaadka ay Israaiil siisay Somaliland
GudahaWararka

Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saaray xadgudubka iyo aqoonsi beenaadka ay Israaiil siisay Somaliland

By Dahir Aadan Cali
Last updated: December 28, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ku shiray Muqdisho ayaa Warsaxaafadeed ka soo saaray xadgudubka iyo aqoonsi beenaadka Israaiil ee ka dhanka ah madax banaanida Soomaaliya.

Dood dheere iyo falaqeyn ka dib, culimada ayaa soo saaray bayaan ay kaga hadlayaan tallaabada halista ah ee gumeystaha Israaiil uu ku aqoonsaday maamulka Somaliland, taas oo si toos ah u taabaneysa midnimada Qaranka iyo madax bannaaninada Jamhuuriyadda Federaalka.

                          Bayaanka ay soo saareen culimada:-

  1. Midowga Golayaasha culimada Soomaaliyeed waxay si cad oo mugdi ku jirin u caddeynayaan diidmadooda buuxda oo ay ka qabaan faragelinta iyo duulaanka qaawan ee gumeystaha Israaiil uu ku soo qaaday jiritaanka ummadda Soomaaliyeed iyo caqiidadooda.
  2. Midowga Golayaasha culimada Soomaaliyeed, waxay caddeynayaan in shareecada Islaamka waajibisay ilaalinta midnimada umadda muslimiinta ah ayna waajib Diini muqadas tahay in laga hortago kala qeybsanaan iyo faragelin shisheeye, gaar ahaan midda ka imaaneysa cadowga sida joogtada u gumaadayo, u barakacinayo ugana xadgudbayo walaalaheen reer Falastiin.
  3. Aqoonsi beenaadkan wuxuu albaabka u furayaa hirgelinta waxaa loogu yeero mashruuca Abraham ama ‘’ Diinta Ibraahiimyada’. kaas oo ah sameynta iyo dhoodhiibidda Diin beenaad cusub oo lid ku ah caqiidadeena Islaamka ee toosan.
  4. Ujeeddada dhabta ah ee sahyuuniyada ee tallaabada dhallanteedka ah ugu diiratay waa in la wiiqo kaalintii taariikhiga ahayd ee ummadda Soomaaliyeed ku lahayd difaaca kacbada sharafta leh iyo labada Xaram iyo marinka Istiraatiijiga ah ee Baabul Mandab iyo ka hortagga cadowga kasta oo weerar ku ah.
  5. Midowga Culimada Soomaaliyeed, waxay ugu baaqayaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka feejignaadaan adeegsiga, faafinta ama taageeridda hal-ku -dhigyada, astaamaha iyo calamada ay leeyihiin cadowga Sahyuuniyadda, maddaana ay arrintaas si cad uga hor imaaneyso axkaamka iyo qiyamka Diinta Islaamka.
  6. Midowga Culimada Soomaaliyeed, Waxay ugu baaqayaan dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, muxaafad iyo mucaarad in ay muujiyaan biseyl siyaasadeed iyo mas’uuliyad Qaran una midowbaan difaaca midnimada, madax bannaanida iyo wadajirka jamhuutiyadda federaalka Soomaaliyeed, iyagoo lagu garab istaagayo Dowladda Soomaaliyeed dadaallada dibloomaasiyeed iyo tallaabooyinka sharciga ah ee ay ku difaaceyso qaranimada ummadda Soomaaliyeed.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Muqdisho(SONNA):- Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il ay kula kacday midnimada dalkeenna ayaa…

January 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Madaxa Cusub ee IOM Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi Ayaa ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Madaxa Cusub ee IOM ee…

GudahaWararka
November 17, 2024

Ra’iis wasaare Xamsa oo furay Barnaamijka isla-xisaabtanka Xukuumadda DanQaran

Muqdisho,(SONNA):-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay isla xisaabtanka iyo qiimeynta waxyaabihii ka qabsoomay…

GudahaWararka
August 17, 2025

Wasiirka arrimaha dibadda oo kulmay arayda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Changsha ee Shiinaha

Changsha (SONNA): Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Abdisalam Abdi Ali (Dhaay), ayaa kulan…

GudahaWararka
June 10, 2025

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo Gaaray Caabudwaaq

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa soo gaaray magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud…

GudahaWararka
August 1, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023