Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo Kalfadhigoodii Koowaad ku yeeshay Doha
    December 8, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Qarannimada dalka Qatar oo lagu qabtay Muqdisho
    December 8, 2025
    Qaar ka mid ah ururrada siyaasadda dalka oo maanta soo gudbiyey liiska murashaxiintooda
    December 8, 2025
    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”
    December 8, 2025
    Wasiirro ka tirsan XFS oo kormeer ku tegay goobaha laga bixinayo kaararka doorashada ee degmada Hodan
    December 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo Kalfadhigoodii Koowaad ku yeeshay Doha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo Kalfadhigoodii Koowaad ku yeeshay Doha
GudahaWararka

Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo Kalfadhigoodii Koowaad ku yeeshay Doha

By SB
Last updated: December 8, 2025
2 Min Read
Share

Doha(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Doha kaga qayb-galay kalfadhigii koowaad ee Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Labada dowladood ayaa guddigan u aasaasay in lagu xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Intii lagu guda jiray kulanka, Wasiir Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, Mudane Soltan bin Saad Al-Muraikhi, ayaa kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo muhiim u ah horumarinta iskaashiga labada dal

1: Heshiiska Hidaha iyo Dhaqanka , ee Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare

Soomaaliya iyo Qatar waxay iska kaashan doonaan xoojinta iskaashiga maktabadaha iyo hay’adaha kaydka taariikhiga ah, abaabulka xafladaha dhaqanka iyo bandhigyada fannaaniinta, gudbinta iyo kobcinta aqoonta farshaxanka iyo dhaqanka, iyo ka qaybgalka bandhigyada buugaagta caalamiga ah ee ay wada qabtaan labada waddan.

2: Heshiiska Kastamada (Wasaaradda Maaliyadda)

Heshiisku wuxuu kor u qaadaya hirgelinta sharciga kastamka, xakamaynta iyo la dagaallanka dembiyada kastamka, hubinta qiimeynta saxda ah ee canshuuraha iyo kharashyada, ilaalinta habraacyada iyo xeerarka kastamka, iyo la dagaallanka xadgudubyada iyo tahriibinta, iyadoo la tixgelinayo heshiisyada heer gobol iyo caalami.

3: Heshiiska Dhalinyarada, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Heshiisku wuxuu xoojin doonaa iskaashiga iyo is-dhaafsiga ka-qaybgalayaasha ururada dhalinyarada, ka qaybgalka shirarka iyo siminaarada, sahaminta xeryaha dhalinyarada, iyo tababarka maaraynta mashruuca iyo xirfadaha hoggaamineed.

4: Heshiiska Beeraha (Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka )

Soomaaliya iyo Qatar waxay iska kaashan doonaan xoojinta wax soo saarka beeraha iyo cuntada, is-dhaafsiga khibradaha iyo xogaha sayniska, abaabulka shirarka iyo siminaarada, isticmaalka teknoolojiyada casriga ah, bacriminta, iyo maareynta kaydinta iyo aqalka dhirta lagu koriyo(green House).

Heshiisyadani waxay astaan u yihiin go’aanka labada dowladood ee ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada dhaqanka, dhalinyarada, beeraha, iyo kastamka, iyagoo ka tarjumaya himilo wadajir iyo horumar waara.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo Kalfadhigoodii Koowaad ku yeeshay Doha

Doha(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

December 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

R/ Wasaaraha XFS oo la kulmay xubno haween ah oo ka socday ururada bulshada

Muqdisho(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed…

GudahaWararka
October 31, 2025

Pakistan oo India ku eedeysay maalgalinta Islaam naceybka

Islamabad (SONNA)- Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Cimraan Khaan ayaa ku tilmaamay India in ay tahay dal maalgelineya islaam naceybka, taas…

CaalamkaWararka
September 26, 2020

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay Bisha Ramadaan

Muqdisho.(SONNA):- Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bisha barakeysan ee Ramadaan. Bayaan kasoo baxay safaaradda…

GudahaWararka
April 14, 2021

Afhayeenka Booliska oo warbaahinta la wadaagay dhacdooyinkii ka dhacay dalka todobaadkii la soo dhaafay

Muqdisho(SONNA):-Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xarunta taliska Ciidamada Booliska shir jiraa’id ku qabtay ayaa warbaahinta la wadaagay warbixin la xiriirta…

GudahaWararka
October 23, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023