Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Switzerland Development Cooperation (SDC), oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Geeska Afrika, Mr. Julien Peissard.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya SoDMA iyo SDC, gaar ahaan kor u qaadidda adeegyada diyaar-garowga degdegga ah, wax ka qabashada musiibooyinka soo noqnoqda, iyo taageerada bulshooyinka nugul. Si gaar ah ayaa xoogga loo saaray xaaladda abaarta ka jirta dalka, taasoo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed.
