Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025
GudahaWararka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 4, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo si rasmi ah u furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya 2025 (SIGF 2025)

Muqdisho, 4 Nofembar 2025 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya 2025 (SIGF 2025), oo sanadkan lagu qabanayo sannadkeedii saddexaad magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay ilaalinta Midnimada Qaranka, isaga oo ku booriyey muhiimadda hab-maamul wadajir ah (Multistakeholder approach) si loo gaaro siyaasad dhijitaal oo mideysa bulshada. Waxa uuna ugu baaqay shirkadaha Internet-ka in ay si caddaalad ah ugu wada faa’iideeyaan bulshada, kana fogaadaan tartan aan faa’iido u lahayn horumarka guud ee dalka.

“Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka, waa in ay ka soo baxaan qodobbo wax ku ool ah oo aan la tagi karno shirarka caalamiga ah ee tiknoloojiyadda looga hadlayo. Dalalka dunida Internet-ka waa la nidaamiyey, iskama isticmaali karaan, waxaa loo sameeyey sharciyo qofkii ku xadgudba uu dambiile noqonayo, dadkeennu nasiib darro waxa ay u isticmaaleen si ka duwan sida caalamku u isticmaalo, waana waajib in arrintan wax laga beddelo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Madashan oo socon doonta labo maalmood ayaa diiradda saareysa maamulka Internet-ka, amniga dhijitaalka, garaadka macmalka ah (AI), maamulka xogta, iyo xuquuqda dhijitaalka. Inta lagu guda jiro waxaa lagu soo bandhigi doonaa fadhi-doodyo heer sare ah, bandhigyo, iyo wareysi toos ah oo lagu falanqeynayo mustaqbalka dhijitaalka ee Soomaaliya.

Madasha waxaa sidoo kale hadallo ka jeediyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyo masuuliyiin kale oo bogaadiyay dadaallada lagu xoojinayo kaabayaasha dhijitaalka ah iyo maamulka Internet-ka ee dalka.

Madasha waxaa goob-joog ka ah masuuliyiin ka tirsan dawladda, shirkadaha isgaarsiinta, jaamacadaha, bangiyada, iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Madasha Hab-maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somalia IGF) waa madal sannadle ah oo ay iska kaashadaan daneeyayaal kala duwan sida dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, bahda waxbarashada, iyo bulshada rayidka, laguna falanqeeyo loogana tashado arrimaha maamulka Internet-ka iyo horumarinta mustaqbal dhijitaal ah oo ay Soomaalidu leedahay, laguna dhiirrigeliyo wada shaqeynta iyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan horumarka dhijitaalka ah ee dalka.

 

 

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ukrain oo sheegtay in ay burburiyeen 4 gantaal iyo 10 Drone

Milateriga Ukraine ayaa sheegay inay soo rideen afar gantaal oo nooca loo yaqaan Cruise missiles iyo 10 diyaaradood oo kuwa…

Caalamka
June 9, 2023

Danjire Ilyaas oo Tanzania kula kulmay Safiirka Kenya ee dalkaas

Dar es Salaam (SONNA) - Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Danjire Ilyas Cali Xasan ayaa maanta booqasho salaan iyo isbarasho…

GudahaWararka
December 5, 2024

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada

Muqdisho (SONNA)-Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikarim Xaaji Buux ayaa beeniyay warar been abuur ah oo…

GudahaWararka
April 28, 2021

Guddoomiyaha golaha shacabka oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay daadadku saameeyeen

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka hadlay fatahaadaha ayaa hay'adaha dowladda, kuwa caalamka iyo…

GudahaWararka
November 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023