Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Mas’uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Jabuuti oo looga dabbaaldegay 25-guuradii ka soo wareegatay shirkii Carta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Jabuuti oo looga dabbaaldegay 25-guuradii ka soo wareegatay shirkii Carta
GudahaWararka

Jabuuti oo looga dabbaaldegay 25-guuradii ka soo wareegatay shirkii Carta

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 30, 2025
2 Min Read
Share

Carta-Jabuuti–(SONNA)-Magaalada Carta ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa saaka martigelisay xaflad heer qaran ah oo lagu xusayay 25-guuradii shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Wasiirro, mas’uuliyiin sar-sare oo ka socday labada dal iyo marti sharaf isugu jira mas’uuliyiin qaran, diblomaasiyiin iyo wariyeyaal.

Intii lagu guda jiray xafladda, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u furay “Taallada Nabadda Soomaaliyeed”, oo laga dhisay goobtii uu ka dhacay teendhadii taariikhiga ahayd ee lagu qabtay shirkii dib-u-heshiisiinta qaran ee Carta sanadkii 2000-kii, kaas oo ahaa dhacdo taariikhi ah oo ka mid ah tallaabooyinkii ugu muhiimsanaa ee lagu soo celiyay dowladnimada Soomaaliya kadib sanado badan oo dagaal sokeeye ah.

Sidoo kale, waxaa la daah-furay Matxafka Carta, oo diiwaangelinaya marxalado muhiim ah oo taariikhda siyaasadeed iyo bulsho ee Soomaaliya laga soo billaabo 1960 ilaa 2025, iyadoo uu matxafku xambaarsan yahay sawirro iyo dukumentiyo naadir ah oo muujinaya geeddi-socodkii dhismaha dawladnimada casriga ah iyo dadaalladii dib-u-heshiisiinta qaran ee ka billowday Carta rubac qarni ka hor.

Munaasabaddan ayaa ahayd xus iyo maamuus loo sameeyay mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee siyaasadeed ee taariikhda Soomaaliya casriga ah, iyo amaanno loo jeediyay hoggaamiyayaashii qaran ee aas-aasay nidaamka federaalka iyo dhismaha hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Ugu dambayntii, xafladdu waxay ku soo idlaatay bandhig farshaxan iyo filim dukumentari ah oo soo bandhigay safar 25 sano ah oo isugu jira caqabado iyo guulo, iyadoo lagu jiro jawi farxadeed oo muujinayay xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo go’aankooda wadajirka ah ee ku aaddan xoojinta nabadda, midnimada iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Qaahira-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa…

GudahaWararka
January 14, 2025

Soomaaliya oo lagu wareejinaayo furaha hagista Duulimaadyada hawada dalka

Nairobi-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fardowso Cusmaan Cigaal oo ay wehliyaan Safiirka JFS ee…

GudahaWararka
February 6, 2023

Laba Qof oo lagu dilay Gaarrisa iyo rabshado halkaasi ka taagan

Gaarrisa-(SONNA)-Magaalada Gaarrisa ee Waqooyi bari Kenya ayaa saakay kacsan, markii ay isu soo bax rabshada wata sameeyeen Boqolaal Qof oo…

WararkaWargayska
July 26, 2020

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ummadda Soomaaliyed ugu tacsiyadeeyay geerida Abwaan Sooraan

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyadeeyay geerida  Allaha u naxariistee Abwaan Sooraan…

GudahaWararka
May 26, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023