Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyay guushii ay dowladda Soomaaliya kasoo hoysay shirkii Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu ansixiyay qaraarka Soomaaliya ay kula soo wareegeyso arrimaha xuquuqul insaanka ee dalka.
Intaasi ka dib, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday xubnaha sagaalka ah ee guddiga madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo dhowaan kulanka guud ee Golaha la horgeyn doono.
Sidoo kale , kulanka Guddiga Joogtadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa waxaa Ajendeyn lagu sameeyay kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda.