Kampala (SONNA): Wasiirka amniga gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Kampala Wasiirka amniga ee Jamhuuriyadda Uganda, Hon Jim Katugugu Muhwezi.
Kulanka labada Wasiir ayaa xoogga lagu saaray iskaashiga dhinaca amniga ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha argagixisada, isdhaafsiga macluumaadka sirdoonka, iyo tababarrada ciidamada amniga ee labada dowladood.
Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyay Dowladda Uganda taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay ku leedahay hawlgalka nabad ilaalinta ee AUSSOM, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada wasaaradood.
Dhankiisa wasiirka amniga ee Uganda, Hon. Jim Muhwezi ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hormarineyso amniga gudaha iyo dib u dhiska hay’adaha amniga, isagoo ballan qaaday in Uganda ay sii wadi doonto taageerada iyo iskaashiga amni ee labada dal.