Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kormeeray bandhig ay sameeyeen cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee CXD oo soo gabagabeeyay tababar ay ku qaadanayeen Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TURKSOM.
Wasiirku waxa uu ku bogaadiyay ciidamada gaarka ah dadaalkooda iyo u diyaargarowgooda difaaca dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.