Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Danjiraha Soomaaliya ee Geneva oo Ka Qaybgalaya Doodaha Heerka Sare ee Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah.
    June 5, 2026
    Ciidamada Amniga oo soo gabagabeeyay hawlgal lagu sugayay amniga Caasimadda
    June 5, 2026
    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay guddiga qabanqaabada xuska maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada
    June 5, 2026
    Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo digniin ka soo saaray maleeshiyaadka amniga qalqalgalinaya
    June 4, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Hambalyeeyay guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed
    June 4, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
GudahaMaqaalladaWararka

Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 24, 2025
3 Min Read
Share

Raadiyo Muqdisho waxaa la aas aasay sanadkii 1951-kii, waxaana lagu aas aasay shaqaale ka kala tirsanaa Soomaali iyo Talyaani, maadaama xilligaasi lagu guda jiray xornimo gaarsiinta, islamarkaana la abuuray hey’adaha dowladda kuwooda ugu muhiimsan, sida Radiyo Muqdisho, maadaama Soomaalida loo diyaarianay inay maamulka dalka la wareegaan marka la gaaro sanadka 1960-kii.

Haddaba Allaha u naxariistee Engineer Xaaji Max’uud Cali Guuleed oo dhawaan ku  geeriyooday laanta 1aad Gen.Daa’uud ee degmada Wardhiigley, ayaa  ka mid ahaa shaqaalihii sanadkii 1951kii lagu aas-aasey  Radio Mogadishu, Xaaji Max’uud wuxuu ka mid ahaa Farsamayaqaanadii ugu horreeyay Raadiyaha lagu bilaabay ilaa iyo haddana wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha waaxda Idaacadda, inkastoo dhowrkii sano ee ugu dambeeyay uu xanuunsanayay.

Marxuum Maxamuud Cali Guuleed wuxuu ka mid ahaa farsamayaqaanadii ugu horreeyay ee ka howlgalay Radio Muqdisho (Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya), isaga oo shaqadiisa ka bilaabay sanadkii 1950-meeyadii, waxa uu dalka dibaddiisa ku soo qaatay tababbarro kala duwan, gaar ahaan waddamada Jarmalka iyo Talyaaniga, taas oo aqoontiisa u sahashay in uu noqdo madaxii ugu horreeyay ee farsamada Radio Muqdisho, xil uu muddo dheer si hagar la’aan ah u hayay.

Intii lagu guda jiray burburkii dalka, Marxuumku ma uusan ka tegin xarunta Radio Muqdisho, wuxuuna sii watay shaqadiisa iyo taageerada uu u fidinayay bahda Warbaahinta, markii dib loo hawlgeliyey Raadiyaha Qaranka sanadkii 2009-kii, waxa uu ka mid ahaa Odayaashii dhiig cusub iyo talo soo kordhiyey, isagoo mar kale garab istaagay shaqaalaha cusub.

Farsamayaqaanadii ku soo gaaray shaqada Xilliga Dowladdii hore oo ay ka mid ahaayeen Eng. Cabdullaahi Yuusuf, Cusmaan Xaaji Gobdoon (Cusmaan Yare) iyo Maxamed Cabdullaahi Cabdi Sabaax, islamarkaana ka mid ahaa shaqaalihii uu soo tababaray ayaa ka sheekeeyay waxayaabaha lagu xasuusan karo ayay ku sheegeen inuu ahaa Marxuumku ‘Nin Af gaaban, asluub badan, cibaado badan, dad la dhaqankana aad ugu wanaagsanaa, islamarkaana howlkar ahaa’.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa xustay kaalinta taariikhiga ah ee Marxuumku ku lahaa dhismaha iyo horumarinta Warbaahinta Qaranka, waxayna tacsi u direen Qoyskiisa, Carruurtiisa, iyo dhammaan bahda Warbaahinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha waaxyaha iyo shaqaalaha Wasaaradda ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, eheladii iyo guud ahaan bahda warbaahinta geerida ku timid Marxuum Eng. Maxamuud Cali Guuleed, oo isniintii ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

“Allah ha u naxariisto Marxuumka, Jannadiisana haka waraabiyo, Ehelkiisa iyo dhammaan bahda Warbaahinta Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo,” ayaa lagu yiri tacsi rasmi ah oo ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Danjiraha Soomaaliya ee Geneva oo Ka Qaybgalaya Doodaha Heerka Sare ee Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah.

Muqdisho- SONNA-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, Marwo Khadra Ducaale,…

June 5, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo Golaha Shacabka ee BJFS u gudbisay Xisaab -xirka Dowladda ee sanadk 2022-ka

Muqdisho(SONNA);-Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xisaab -xirka Dowladda ee sanadka…

GudahaWararka
August 28, 2023

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Masuuliyiinta Machadka Vlatacom iyo Shirkadda PULSEC ee ka Shaqeeya Horumarinta iyo Amniga

Belgarde(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga Magaalada Belgrade ee…

GudahaWararka
June 17, 2023

Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo

Baydhabo-(SONNA)-Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (Country Humanitarian Forum - CHF-2025) oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) oo kaashanaysa Wasaaradda…

GudahaWararka
August 7, 2025

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva - Switzerland,…

GudahaWararka
June 7, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023