Muqdisho (SONNA) : Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta daah-furaty mashruuc ballaaran oo lagu qeybinayo 700 tan oo timir ah, taas oo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho.
Daah-furka mashruuca waxaa ka qeyb galay safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al-Mawluud, isagoo xusay in mashruucan uu ka jawaabayo baahiyaha xagga cuntada ah ee ay wajahayaan dadka soo barakacay ee Muqdisho ku nool.
Madaxa mu’asaasasada Muxaasin oo mashruuca fulinaysa mudane Cabdullaahi Cabdiqadir Cabdi ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda mashruucan iyo kaalinta uu ku leeyahay taageerada dadka danyarta ah ee ku jira xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka hay’adda SoDMA, Dr. Axmed Cabdi ayaa sheegay in mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan nus milyan oo qof, taas oo muujinaysa baaxadda iyo saameynta weyn ee uu leeyahay.