Muqdisho(SONNA):- Rektorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, iyo Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga daah-furay xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee KM4 “Laabka Warbaahinta ee Al Jazeera”, oo laga hirgeliyey Qeybta Saxaafadda ee Kulliyadda Culuumta Bulshada.
Munaasabadda daah-furka ayaa ahayd mid si ballaaran loo soo agaasimay, iyadoo ay ka soo qayb galeen ,Rektorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed; Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi bin Saalim Al-Nuceymi , Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada iyo Bini’aadamnimada ee jaamacadda , Prof. Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow iyo masuuliyiin dowladeed, xubno ka socday maamulka jaamacadda, marti sharaf kale iyo khubaro warbaahineed oo Soomaaliyeed
Laabkan cusub oo ay maalgelisay Dowladda Qatar, gaar ahaan Machadka Al Jazeera Media Institute, ayaa si buuxda loogu qalabeeyey agabka casriga ah ee warbaahinta, waxaana si toos ah loogu bilaabay tababbaro horumarineed oo socon doona muddo toddobaad ah. Tababbarradan waxaa ka faa’iideysan doona ardayda dhigata culuumta saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda iyo kuwa kale ee dalka, si ay u helaan xirfado waafaqsan isbeddellada warbaahinta caalamiga ah.
Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, Rektorka Jaamacadda Ummadda, ayaa sheegay in daah-furka laabkan uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay jaamacadda iyo guud ahaan saxaafadda Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in burburkii dalka uu saameyn xooggan ku yeeshay tayada saxaafadda iyo horumarka dhalinyarada, balse dadaallada socda iyo taageerada hay’adaha caalamiga ah ay dib u dhisi doonaan mihnadda warbaahinta.
“Haddii saxaafaddu hagaagto, waxaa hagaagaya dib-u-soo-kabashada Soomaaliya. Saxafiyiin si wanaagsan u tababaran ayaa kaalin muuqata ka qaadan doona mideynta bulshada iyo ilaalinta garaadka jiilka soo koraya,” ayuu yiri Prof. Dr. Maxamed.
Sidoo kale waxa uu ammaanayProf. Dr. Maxamed, dadaalka Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada iyo Bini’aadamnimada ee Jaamacadda Ummadda, kaas oo juhdi joogto ah ku bixiyay hirgelinta mashruucan hormuudka ah.
Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu xusay kaalinta wax-ku-oolka ah ee khubarada Soomaaliyeed, sida Yuusuf Garaad Cumar oo ardayda ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursaddan, iyo khubaro ka socday Machadka Al Jazeera Media Institute oo isla goobta ka furay koorsooyin lagu magacaabo “Hindisaha Warbaahinta Horumarka”.
Laabka cusub ee Al Jazeera ee Jaamacadda Ummadda ayaa noqon doona saldhig muhiim ah oo lagu kobcinayo xirfadaha suxufiyiinta, lana horumarinayo tayada wacyigelinta bulshada, iyadoo sidoo kale lagu xoojinayo doorka saxaafadda ee ka hortagga wararka been-abuurka ah.