Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay Shirka Wadatashiga Garsoorka ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa xusay muhiimadda uu xeerkan u leeyahay dalka, isagoo carabka ku adkeeyay in uu qeyb ka yahay dib-u-casriyaynta Garsoorka Soomaaliyeed, oo muddo dheer lagu soo shaqeynayay.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka, Siciid Cali Gureey, ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda uu wadatashigan u leeyahay dalka, iyo sida uu gacan uga geysanayo horumarinta nidaamka cadaaladda.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa sharaxaad ka bixiyay shirka, isagoo tilmaamay in xeerkan uusan oo keliya khuseyn garsoorka, balse uu faa’iido ballaaran u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama uu ilaaliyo xuquuqdooda aasaasiga ah.