Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiyay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Wasiirka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyey in dagaalka Ceeldheer Khawaarinta looga dilay in ka badan 60 xubnood sidoo kalena goobta lagu dilay labadii horjooge ee hoggaaminayey khawaarijta.
Dhinaca kale wasiirka ayaa xaqiijiyey in dagaalkan khawaarijta looga dhaawacay in ka badan 50 xubnood.