Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: La yaab yaysan kugu noqon
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > La yaab yaysan kugu noqon
GudahaMaqaalladaWararka

La yaab yaysan kugu noqon

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 27, 2025
5 Min Read
Share

Magaalada Xamar waxaa ka socota kala miir dhab ah, kadib markii uu dhacay ‘Isku Milaniya’, iyadodoo hey’adaha amniguna shaqo muuqata ka hayaan sidii loo kala miiri lahaa arrintaasi ayay qab qabteen shaqsiyaad ku jiray Hey’adaha dowladda, kuwaasi oo haddana u shaqeynayay kooxda Khawaarjta ah ee Al-shabaab.

“Shiid iyo shaqo la’aan ayaa loo galaa Khawaarijta ayaan maqli jiree been dheh. Qof kasta ha aaminin ahaa xataa saaxiibkaa ama Walaalkaa”, sidaasi waxaa yiri Wiil Dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Muqdisho, waxaase ka sii yaab badan in kooxdii dishay Walaashiis, islamarkaana lagu bedelay goobtii shaqo ee Walaashiis oo shaqaale ka aheyd Wasaaradda Maaliyadda.

Intii aan arkaayay ama maqlaayay Garmaqallo ay qaadeysay Maxkamadaha dalka Soomaaliya waxaa igula yaab badnaa labadaan:- 1. Ninka sawirka barta guduudan ku calaamadeeysan waxaa lagu magacaabaa Xuseen Cabdinuur Maxamed Cali (COMPUTER) waxa uu ku Eedeysan yahay Argagixisanimo, isla markaana hore uga tirsanaa shaqaalaha dowladda, isagoo qaadan jiray mushahar ka badan kun dollar. 1.100 dollar ayaa lagu shaqeynayey oo uu mushaarkiisu ahaa, balse 100 dollar ayuu dadka ku halagaa, waa Ilaahey mahadiis haddiiba Ummadda Soomaaliyeed laga qabtay shartiisa, Ilaah ayaana so ifiyay.

Eedeysanaha waxaa lagu tuhunsan yahay inuu qeyb ka ahaa abaabulkii weerarkii ugu dambeeyay ee Liido, Iskool Boloosiyo iyo dilal kale oo ay dad badan ku dhinteen, waxaan Sawirkiisa lagu dhex arkay kulankii Qur’aan akhris iyo isu soo bax loogu duceynayay marxuumiinta ku geeriyooday Qaraxyadii ka dhacay Xeebta Liido, kadib wareerarka isaga oo isku dayay inuu is qarsho, balse dhawaan ayuu ka soo muuqday maxkamad ciidamada qalabka sida, taas oo muujinaysa in baaritaanno adag lagu hayo, (ARYAA TANOO KALE ARAKAY).

2. Dhacda kale oo yaab leh, haddana qabsoo Odaygan waayeelka ah waxaa la yiraahdaa Maxamuud Khaatumo, ama Abu Hani oo ah Afgarashadiisa ay ula baxeen Khawaarjta Al-shabaab, waa mid ka mid ah Ragga ugu xeeladda iyo khiyaanada badan khawaarijta, wuxuuna u qaabilsanaa sahanka iyo Sirdoonka, isagoo ka qeyb qaatay weerarro badan oo ay Argagixisadu ka fuliyeen caasimadda dalka ee Muqdisho, isaga oo qaabilsanaa sahanka. Sida ku cad wareysigiisa, wuxuu sheegay inuu mushahar ahaan u qaadan jiray 400 dollar bishiiba, waana khawaarijkii ugu horreeyay ee lacag intaas la eg ay Khawaarijtu siiyo, intii hore loo maqlay.

Odeygaan dhagarta badan, wuxuu isku difaacayaa inuu ahaa Oday dhaqameed magaalada Laascaanood ka soo jeeda, isla markaana uu ‘ka qayb qaatay dhismaha maamulka Laascaanood’ , weligiina aanu khawaarij noqon’,waa sida uu isagu isku difaacayee, hase yeeshee, waxaa la hor keenay caddeymo isugu jira maqal iyo muuqaal ah oo muujinaya inuu ka tirsanaa khawaarijta.

Ninkaan odaygaa oo garka cirada ka buuxdo oo ad aragtaan waa dhowr iyo 70 jir, waxaa lagu soo caddeeyay muqaal (video), isagoo leh “Maxaa Dadka u leyn waydeen? waa maxay culeyska idin saaran?; maxaa dhacay miyaad caajisteen?”, naxariis daranaa.

Dhinaca kale Kadib markii dib loo bilaabay Taagashada gacan ku dhiiglayaasha ka tirsan Khawaatrijta Shabaabka, waxaa dil toogasho ah lagu fuliyay ilaa iyo 10 dhagarqabayaal, waxaana ugu dambeeyay Anas C/qaadir Cali Maxamuud “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow oo ka tirsanaa Khawaarijta, gaar ahaan qeybta Qaraxyada iyo Dilalka gaadmada ah, ayaa maanta lagu fuliyey xukunkii dilka ahaa ee horey ay ugu riday Maxkamadda Ciidamada, waxayna magaaladda Gaalkacyo ku dileen Haldooro ahaa labeenta Bulshadda oo ay ka mid yihiin Nabadoonno.

Xukun dil ah ayaa lagu fuliyey Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow, kuwaas oo ka tirsanaa Khawaarijta, gaar ahaan qeybta qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah.

Xubnahaan khawaarijta ka tirsana ayaa horey loogu soo qabtay falal amni-darro oo ay ka geysteen gudaha Soomaaliya, waxaana Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay ku heshay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin: Dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala beegsaday shacabka iyo masuuliyiinta. Falkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo (Puntland), halkaas oo ay ku dileen hal dooro bulshada ka tirsanaa, oo ay ku jireen nabadoono iyo odayaal dhaqameed caan ah, ka qayb qaadasho toos ah oo ay ku lahaayeen falalka gumaadka iyo cabburinta bulshada rayidka ah.

Maxkamadda Ciidamada ayaa markii hore dhageysatay dacwadda ka dhanka ah Ragaan la shaqeynayay khawaarijta, iyadoo caddeymo muuqda iyo markhaatiyaal lagu soo bandhigay, taas oo horseeday in lagu rido xukun dil toogasho ah,oo ugu dambeyn lagu fuliyay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Horseed vs Raadsan: Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League oo galabta ka dhaca Garoonka Eng. Yariisow

Muqdisho(SONNA)- Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League ayaa galabta lagu wada inuu ka dhaco garoonka Eng. Yariisow Stadium ee…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sumcad dilka kawada baraha bulshada

WAR-SAXAAFADEED Muqdisho(SONNA):-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu gacanta ku hayaa Gal-dacwadeedyo la xiriira Cayda ama Aflagaadada, Sumcad-dilka, Isku-dirka…

GudahaWararka
August 31, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo koormeer ku tagay xarumo dhowr ah

Muqdisho(SONNA);-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray xarunta dhalashada iyo sugnaanta…

GudahaWararka
August 17, 2021

Kulanka maamulka Sanduuqa Wadajirka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dowladda FS ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay kulanka maamulka Sanduuqa Wadajirka…

GudahaWararka
October 6, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023