Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo lagu soo xiray Dhuusamareeb
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo lagu soo xiray Dhuusamareeb
GudahaWararka

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo lagu soo xiray Dhuusamareeb

By SB
Last updated: August 14, 2025
2 Min Read
Share

Dhuusamareeb(SONNA):-Waxaa maanta lagu soo xiray magaalada Dhuusamareeb tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo socday muddo laba maalmood ah ujeedkiisu ahaa in lagu xoojiyo fahamka suxufiyiinta ee doorarka ay warbaahintu ku leedahay hannaanka doorashooyinka dalka.

Aqoon-isweydaarsigan oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, ayaa waxaa ka faaโ€™iideystay 20 suxufi oo ka kala socday xarumaha warbaahinta ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Ruun Maxamuud Cusmaan, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gabdhaha Galmudug oo ku hadashay afka suxufiyiinta ka qeyb galay tababarka, ayaa sheegtay in aqoon-isweydaarsigani uu yahay mid muhiim ah oo lagu kobcinayo xirfadda iyo masuuliyadda suxufiga xiliga doorashooyinka, waxayna ku boorisay suxufiyiinta in ay u tabiyaan doorashooyinka si dhexdhexaadnimo iyo hufnaan leh.

Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa xusay in tababarkan uu qeyb ka yahay dadaallo ballaaran oo lagu horumarinayo xirfadda iyo anshaxa suxufiyiinta Soomaaliyeed, si doorashadu u noqoto mid hufan oo daahfuran, loona helo warbaahin si masuuliyad leh u tabin karta, waxaana uu u mahad celiyay Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee xilliga kala guurka ( UNTMIS).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, Mudane Abubakar Nuur Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal iyo hayโ€™adaha iskaashiga la leh dadaalka ay ugu jiraan tayaynta warbaahinta. Wuxuu sidoo kale suxufiyiinta kula dardaarmay in ay adeegsadaan aqoonta ay tababarka ka faaโ€™iidaysteen si ay u gutaan doorkooda tabinta doorashooyinka.

Tababarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee noociisa ah oo lagu qabto dalka, waxaana uu qeyb ka yahay barnaamij lagu xoojinayo doorka warbaahinta Soomaaliyeed ee tabinta doorashooyinka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xildhibaan Cabdisamad oo dhagax-dhigay ceelbiyood laga hirgaliyay Gaalgaduud

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa dhagax-dhigey ceel biyood laga hirgaliyay tuulloyin hoostaga deegaanka Gadoon ee…

Gudaha
August 9, 2024

Dowladda Fiyetnam oo Caalamka ugu baaqday in la taageero Soomaaliya

Muqdisho.(SONNA)โ€ฆDowladda Vietnam ayaa ugu baaqday beesha caalamka in Dowladda Soomaaliya ay ka caawiyaan ย fududeynta dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale iyo la tacaalidda baahiyaha…

Wararka
August 21, 2020

Carruur ku dhaawacantay Hoobiyaal ay soo rideen Argagixisada Al-shabaab oo Muqdisho lagu daweeynayo.

Muqdisho(SONNA):-Carruurtani oo ku dhaawacantay Hoobiyaal argagixisada Al-shabaab ku tuureen Dugsi lagu barto Qurโ€™aanka kariimka oo ku yaal gudaha degmada Awdheegle…

GudahaWararka
April 19, 2021

Shirka hirgalinta heshiiska qorshaha Amniga Qaran oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey

Muqdisho (SONNA):- Waxaa ย Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Shirkii Hirgalinta Heshiiskii Amniga Qaran ee Daadajinta Maamulka iyo Tayeeynta Ciidanka Boliiska…

GudahaWararka
November 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023